Dowladaha Khaliijka oo sheegay in dowladda KMG ay ka taageerayaan dhinaca amniga iyo…
Kulan ay yeesheen madaxda Golaha Khaleejka Carbeed oo ku saabsanaa arrimaha amaanka dalka Soomaaliya ayaa waxay isku raaceen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in la taageero ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo in sidoo kale cuna qabateyn la saaro kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah oo nafta u keenay gaadiid badeedka isticmaala biyaha caalamka.
Madaxda Golaha Khaliijka ayaa kulankooda waxay si aad ah ugu muujiyeen in lama huraan ay tahay in Soomaaliya laga gacan siiyo sidii ay uga soo kaban laheyd xasilooni darrida haatan ay ku jirto , si taas loo gaarana ay muhiim tahay in la taageero ciidamada dowladda KMG Soomaalia iyo kuwa ka socda Midowga Africa ee AMISOM.
“Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin adag ,waxaana dhibaatooyinkaasi ay sababeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo dhexmara dhinacyada Soomaaliyeed ee isku haya siyaasadda Soomaaliya“ ayey ku sheegeen war ay ka soo saareen kulankii ay uga arinsanayeen arimaha Soomaaliya.
Waxayna dowladahan ay sheegeen in dowladda KMG ay ka gacan siinayaan la dagaalanka Xarakada Al-shabab iyo l adagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida oop ay sheegeen in haatan ay noqdeen kuwo dhibaateeya gaadiid badeedka isticmaala badda Cas iyo badweynta Hindiya.
