|

Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay Maasjid ku yaala magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaladda Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in habeen hore uu qarax ka dhacay Maasjid lagu magacaabo Salaama oo ku yaala waqooyiga magaalada Galkacyo ee dhinka maamulka Puntland, qaraxaas oo la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhamasho iyo dhaawac.

Sida warku sheegayo 3-qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 10-ruux, kuwaas oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalka dhanka Koofurta ee magaalada Gaalkacyo ee ay maamusho Galmudug.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaraxa ka dhacay masaajid ay ahaayeen bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxaana la sheegay in ujeedada aysan aheyn masaajidka balse lala beegsanayey maqaayad ka agtaala Masaajidka oo aheyd goob lagu caweeyo oo ay isagu yimaadaan dadyow kala duwan, waxaana goobta uu qaraxuhu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay, qabqabtayna dad ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale seddex qof oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku jira xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay bambo lagu tuuray maqaayad ku taala xeradaasi, waxaana arrinkaasi ka hadlay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo yiri “Bam ayaa lagu tuuray maqaayad ay dad badan ku jireen, waxaana dhaawacmayo halis ay soo gaareen seddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qaaday Isbitaalada, baaritaan ayaana ku wadnaa dadkii ka dambeeyay qaraxaasi sidii aan gacanta ugu soo dhigi laheyn”

Xeryaha dhadhabaab ee dalka Kenya ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan 460,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo ka cararay dagaalada iyo abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaase tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya ka dhacayey xeryahaasi iyo guud ahaan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya qaraxyo khasaare nafeed geystay.

Leave a Reply