|

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Afgooye

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ayaa shalay gelinkii dambe waxay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ka dib markii ay degmadaasi isaga baxeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo horay gacanta ugu hayey magaaladaasi.

Sida warku sheegayo ciidamada dowladda KMG oo habeen hore ku baryey kontaroolka degmada Afgooye ayaa shalay gelinkii dambe si rasmi ah gudaha ugu galay degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG aysan wax dagaal ah kala kulmin markii ay galayeen degmada Afgooye, kuwaas oo haatan fariisimo ka sameystay gudaha iyo hareeraha magaalada.

Saraakiisha dowladda KMG sida abaalduulaha ciidamada xoogga dalka Gen. Dhego badan iyo Col. Caanood oo ka hadlay la wareegista ay ciidamadu la wareegeen degmada Afgooye ayaa sheegay in iyaga oo aan wax dagaal ah la kulmin ay magaalada la wareegeen, waxayna intaasi ku dareen in magaalada ay hadda banaanka uga baxeen una jiheysteen dhanka degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Tixsiile.

Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada ay hadda ka dhaqaaqeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo ay ku wajahanyihiin deegaanada kale ee gobolkaasi ay kaga suganyihiin Xarakada Al-shabaab, waxaana uu cadeeyay in qorshahaani uu yahay mid la doonayo in lagu soo afjaro Xarakada Al Shabaab ka hor bisha Augusta.

“Deegaanada iyo degmooyinka lagala wareego Al Shabaab oo ay ka mid tahay Afgooye waxaan u sameyneynaa Maamulo waana xasilineynaa, waxaana sidoo kale qorshaheena ka mid ah in gargaar la gaarsiiyo shacabka deegaanada la xureeyay oo Shabaab ay gargaarka ka horistaageen” sidaasi waxaa yiri C/wali Gaas.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda oo isna ka hadlay la wareegista ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG la wareegeen degmada Afgooye ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay kala burbureen, wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan ay gaari doonaan magaalooyinka Marka iyo Wanlaweyn, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Jabka gaaray Al-shabaab weligood kama soo waaqsan doonaan, dhawaanan magaalooyinka kale ee ay ku suganyihiin waan kala wareegi doonaa”, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG ay difaacyo ka sameysteen gudaha degmada Afgooye iyo banaanka koonfureed ee magaalada, waxaana ka mid ah goobaha ay fariisimada ka dhigteen Buundada Afgooye, Mukeyga saldhigga degmada Afgooye iyo deegaano kale.

Dhanka kale ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay la wareegista magaalada Afgooye oo uu sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay dowladda KMG Soomaaliya.

“Inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa ku sugan dad badan oo danyar ah oo haddii lagu dul dagaalamo ay dhibaato soo gaari karto haddana waa meel Milatari ahaan muhiimad leh marka waxaan dhihi lahaa Milatari ahaan iyo bini’danimo ahaanba waa meel muhiim ah” ayuu yiri Mahiga oo ku baaqay in la sii wado howlgalka ciidan ee looga soo horjeedo Xarakada Al-shabaab.

Si kasta oo ay ahaataba magaalada Afgooye oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay ah magaalooyinka ugu muhiimsanaa ee Xarakada Al-shabaab ay gacanta ku heysay, taas oo isku xirta Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, una fududeyn jirtay Al-shabaab inay si sahlan weeraro uga geystaan Muqdisho, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay isaga baxeen magaaladaasi ka dib markii weerar culus ay ku soo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Leave a Reply