Maamulka Ahlu Sunna oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii guud ee Ahlu Sunna, sheegayna inay doorteen Guddoomiye cusub oo…
Maamulka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa shir muddo sedex maalin uga socday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxay ku sheegeen inay xilkii uga qaadeenn Guddoomiyihii guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Prof. Xirsi Maxamed Hilowle {Labagarle} oo ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan iyo ka dhego adeegid fulinta go’aanada ay gaaraan xubnaha kale ee maamulka, waxayna xuseen in Guddoomiye cusub ay doorteen.
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo warbaahinta la hadlay kulankooda ka dib ayaa waxa uu sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyahoodii hore, wuxuuna intaasi ku daray inay doorteen Guddoomiyey cusub oo halkoodii ka soo wada howlkii maamulka, wuxuuna Guddoomiyaha cusub ee ay doorteen magaciisa ku sheegyay Sheek Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.
“Xilkii waan ka qaadnay Guddoomiyaheenii hore ka dib markii lagu eedeeyay xil-gudasho la’aan, bedelkiisana waxaan dooranay Guddoomiye cusub oo howlihii uu maamulkka u hayey halkoodii ka sii wada, ma jirto cid si gaar ah u leh maamulka waana in la ogaadaa in xilku yahay meerto cid kasta oo ka soo bixiweysa waajibaadkii loo igmadayna xil ka qaadis waa lagu sameynayaa, xil ka qaadistanna kuma imaan khilaaf naga dhexjira sida ay warbaahinta qaareed sheegtay ee waa xil gudasho la’aan” ayuu yiri Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo warbaahinta la hadlay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha cusub ee la doortay oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu halkooda ka sii wadi doona howlihii u horay u hayey sida uu yiri Guddoomiyihii hore, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka soo bixi doono howlaha loo igmaday iyo dardargelinta dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab, wuxuuna ka codsaday xubnaha kale ee maamulka inay la shaqeeyaan maadaaba buu yiri uusan keligiis waxba qaban karin, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Guddoomiye Prof. Xirsi Maxamed Hilowle {Labagarle}.
