Guddoomiyihiii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo Xalay u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray…
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada uu xalay fiidkii soo gaaray dhaawacyo culus ka dib markii ay galeen shil-gaari xilli ay ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halka kuwo kalena ay ku geeriyoodeen shilkaasi.
Sida warku sheegayo gaadiid ay la socdeen saraakiishan ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shilka gaari ee ay galeen saraakiisah Ahlu Sunna, waxaana dhaawac soo gaaray Sheikh Cumar oo loo qaaday Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo uu ugu dambeyntii u geeriyooday dhaawacaasi.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in saaakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee shilka ku galay meel ku dhow magaalada Gaalkacyo ay ka soo ambabaxeen deegaan lagu magacaabo Dagaari, kuwaas oo Gaalkacyo ugu socday sida la sheegay xallinta khilaaf hoose oo soo kala dhexgalay maamulka Ahlu Sunna ee ka jira gobolka Mudug, si rasmi ahna looma wada shaacin magacyada dadkii dhaawacmay marka laga reebo Guddoomiyihii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo shilkaasi ku geeriyooday, tiro kale oo sedex ahna ay qabaan dhaawacyo kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo aan khadka taleefanka kula xiriirnay ayaa sheegay in saraakiisha dhaawac soo gaaray ay gaarayaan afar sarkaal, inkastoo ay ka gaabsadeen inay magacyadooda na siiyaan iyo dhaawacyada ay qabaan inta uu la’egyahay, waxayna ka xuseen saraakiishaasi Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo dhaawicii soo gaaray u geeriyooday, lamana oga waxa keenay shilka gaari ee ay ku dhaawacmeen saraakiishan ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca, inkastoo la sheegay in gaariga uu si xowli ah ku socday, taasina ay keentay inuu gaariga qalibmo.
