Maamulka Somaliland oo sheegay inay ka qeybgalayaan shirka Tukiga, Wasiirrana u magacaabay si ay…
Maamulka la baxay Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeybgalayaan shirka dhinacyada siyaasadda Soomaalida uga furmaya magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga kaas oo ay horay u diideen ka qeybgalkiisa ka dib markii ay sheegeen inaan si buuxda sharaxaad looga siinin qaabka ay Somaliland shirkaasi uga qeybgaleyso.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo warbaahinta u aqriyey warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka qeybgaleyso shirka Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in shirkaasi ay uga qeybgalayaan oo keliya dhanka dhaqaalaha, balse aysan quseynin arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya midka looga hadlayo.
Wasiir Boobe waxaa kale oo uu sheegay in 24-kii bishan May uu warqad casuumaad ah oo looga codsanayo inay ka soo qeybgalaan shirka Turkiga uu soo gaarsiiyey sida uu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kani Torun, wuxuuna yiri wasiiku mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Somaliland shirka afar wasiir ayey u dirsaneysaa, waxaa maqrtiqaadka helnay 24-kii bishan Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Kani Torun ayaana inoo keenay, Somaliland waxay uga qeybgaleysa shirka Istanbul qeybta horumarinta iyo dhaqaalaha oo keliya oo wax siyaasad ah kama hadleyso”.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inaysan quseynin arrimaha siyaasadda qorshaha Road Map-ka, wuxuuna wasiirka warfaafinta Somaliland uu intaasi ku daray in wasiirada ay u xusheen inay shikraasi ka qeybgalaan ay ka mid yihiin wasiirka arrimahada dibadda, wasiirka qorsheynta, wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasiirka macdanta iyo Biyaha, isagoo sheegay inay ka laabteen go’aankoodii ahaa inaysan ka qeybgaleynin shirka Istanbul ee dalka Turkiga haddii aan laga siinin faahfaahin dheeri ah ajandaha shirkaasi.
Shirkan ka dhacaya dalka Turkiga ayaa waxa uu daba-taaganyahay shirkii magaalada Lonndon ay ku yeesheen dhinacyada siyaasadda Soomaalida oo ay qeyb ka aheyd Somaliland, waxaana xusid mudan in markii ugu horeysay ay tahay in la arko Somaliland oo ka qeybgaleysa shirarka dhinacyada Soomaalida loo qabanayo tan iyo sanadkii 1991-dii markaas oo ay Somaliland sheegtay inay ka goday Soomaaliya inteeda kale.
