Holwgallo baaritaano ah oo xalay iyo saakay laga sameeyay gudaha suuqa Bakaaraha iyo dad lagu qabqabtay oo…
Howlgalo baaritaano ah ayaa xalay iyo saakay aroortii hore laga sameeyay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu qabqabtay dad badan oo ka mid ah dadka degan xaafadaha ku dhwodhow suuqa Bakaaraha iyo gudaha suuqa.
Sida warku sheegayo howlgalka baaritaanka oo bilowday abaare 5:00-habeennimo ee xalay ayaa waxaa fulliyey ciidamada dowladda KMG, gaar ahaan ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugidda, kuwaas oo guryaha ku yaala suuqa weyn ee Bakaaraha mid mid u baarayey, dadka deganna guryaha banaanka uga soo saaray, waxaana la sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka magaalada Muqdisho iyo tan suuqa.
“Holwlaha baarritaanka waxa uu la xiriiraa sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo tan suuqa Bakaaraha, waxaad la socotaan in kooxihii dagaalka looga itaalka roonaaday ay soo galeen magaalada iyaga oo iska dhigaya dad rayid ah” ayuu yiri mid ka mid ah taliyaasha ciidanka howlgalka ka sameeyay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidada dowladda KMG Soomaaliya baaritaano ku sameeyaan gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana jiray tiro dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale baartaano looga sameeyay, waxaana xusid mudan in tiro dhowr jeer ah ay gudaha suuqa ka dhaceen dilal iyo qaraxyo ka dhan ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
