|

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha dowladda KMG oo la sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay, loona jaray warqad lagu amrayo in la soo xiro

Guddiga adeega garsoorka ee maxkamadda sare Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in xilkii uu hayey ay ka qaadaan mid ka mid ah ku xigeenada xeer ilaaliyaasha qaranka oo lagu magacaabo Cali Max’ed Yuusuf oo ku magac dheer Cali Yare.

Guddoonka maxkamadda Sare ee maxkamadda dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Cali Yare inuu lunsaday lacag gaareysa 100,000 oo dollar iyo inuu ku takri falay xafiiska xeer ilaalinta, isagoo si sharci darro ah u iibiyey ayuu yiri Guddoomiyuhu dhul dad ay leeyihiin, si aan sharci aheynna uu u qoray warqadda uu ku doonayo inuu ku soo xero mas’uulyiin ka tirsan dowladda KMG.

Cali yare oo eedaha loo heysto ay aad u fara badanyihiin sida uu Guddoomiyuhu uu sheegay ayaa sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka aruursaday lacago badan dad si uu u qoro waraaqo sharci daro ah kuwaas oo ay ku jiraan warqado ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda iyo bahda saxaafadda oo uu dhowr jeer ku handaday.

Go’aanka Guddiga adeega garsoorka ayaa waxaa lagu sheegay inuu ogolaaday Madaxweyne Sheekh Shariif sidaas darteedna xilkii uu ka hayey xeer ilaalinta qaranka looga qaaday, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Cali Yare.

Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay bilowdo dhageysida dacwadaha loo heysto Cali Yare taasi oo bilaaban doonto shanta bisha June, waxayna sheegeen Guddiga adeega garsoorka Maxkamadda sare ee dowladad KMG in Cali Yare loo jaray warqad dacwad ah oo lagu soo qabanayo.

Leave a Reply