|

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Istanbul iyo madaxweyne shariif oo maanta ku wajahan…

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayey ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa u tagay dalka Turkiga ka qeybgalka shirka berri ka furmaya dalka Turkiga, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, ayna ka soo qeybgalkayaan in ka badan 50-dowladood iyo ururo caalami ah.

Ra’isul wasaare Gaas ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga kaas oo ay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo shirka berri ka furmaya dalka Turkiga iyo qorshayaasha looga hadlayo shirkaasi iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Istanbul si ay uga wada qeybgalaan shirka dhawaan ka furmaya Istanbul ee caalamiga ah kaas oo diirada lagu saari doono arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka ka qeybgalaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga, waxaana shirkani uu daba socdaa shirkii London loogu qabtay dhinacyada Soomaalida ah.

Leave a Reply