Maamulka Puntland oo sheegay in madaxda sare ee dowladda KMG ay marin habaabiyeen dowladda Turkiga, qaadacayna…
Kulan ay shalay ku yeesheen gudaha magalada Garoowe Odayaasha dhaqanka ee Puntland aya awaxaa ay kaga arinsadeen shirka Turkiga uga socda qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah, waxayna sheegeen inay joojiyeen ka qeyb galka shirkaasi islamarkaana ay maamulka Puntland ku taageersanyihiin Go’aankii uu ka gaaray Shirka Turkiga.
Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa odayaasha ku shiray Garoowe ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulankaasi waxa uu saxaafadda u aqriyay go’aanka ay odayaasha ka soo saareen Shirka ay yeesheen, wuxuuna sheegay in kulankaasi ay ka soo bexeen go’aamo ay ka mid yihiin taageero odayaasha ay u muujiyeen go’aankii Puntland ay ku qaadacday ka qeyb galka Kulanka Turkiga Ee June, iyagoona ku eedeeyay Turkiga in ay dalkeeda ka furtay Shir aan ku lug laheyn hanaanka geedi socodaka Qariirada Nabadda.
Qodobada laga soo saaray kulankan oo aad u tiro badnaa ayaa sidoo kale waxaa ku jiray hadalo loogu sheegayo Turkiga inay si weyn uga qeybqaateen caawinta Ummadda Soomaaliyeed ayna kaga mahad celinayaan balse iminka ay gudaha u gashay xaalad siyaasadeed taasi oo u keeni karta fahan lahaan ay ka heysato xaalada siyaasadeed ee dalka ayna marin habaabinayaan qaar ka mid ah madaxda sar sare ee Xukuumada dowladda KMG waasida qoraalada ku xusnaaye.
