Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay shirkii Turkiga iyo goboladii lagala wareegay, sheegtayna in….
Xaakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay meelahii dhawaan lagala wareegay oo ay ku jirto degmada Afmadow ee gobalka Jubadda Hoose oo doraad si rasmi ah gacantooda uga baxday ka dib markii ay ciidamadoodu si iskood ah uga baxeen.
Afhayeenka guue ee Xarakada Al-shabaab Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage {Sheekh Caali Dheere} oo la hadlayay Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab la isku bahestay oo ay gaalada noocyadeeda kala duwan dagaalkaasi ka qeybgaleen, kuwaas oo ay ku jirta gaashaanbuuta NATO sida uu yiri.
“Dagaalka muslimiinta lagula jiro waxaan dhihi karaa waxa isku baheystay Africa, Mareykanka, Yuhuud iyo xittaa NATO, marka iyagii ayaa hadda iska celin karin 5% dadka Soomaalida” ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo intaasi ku daray in dagaaladii ugu dambeeyay ay ka qeybqaateen sida uu yiri gaalo cadaan ah oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo iyagu dagaalka hogaaminaya isla makaasna ciidamada Afikaanka ah gadaal ka taagan oo dagaalka ku qasbaya.
Wuxuu qiray afhayeenka Al-shabaab in laga qabsaday deegano ay ka mid yihiin Afgooye iyo Afmadow, laakiin waxa uu sheegay iyadoo sidaas ay arrimaha yihiin hadana inaysan ciidamada huwanta aysan isku gudbi karin oo isku socodkoodii ay qalqaliyeen, wuxuuna yiri “Maalinkasta waad ogtihiin saaakiishooda ayaa dagaalka ku dhimanaya oo iyagaaba sheeganaya in saraakiil sarsare ay dagaalka uga dhinteen, annaguna waxaanu leenahay adinkoo duleysan ayaad dalka ka cararidoontaan”.
Sheekh Cali Dheere waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii dalka Turkiga ugu soo dhamaaday qeybaha siyaasadda dalka Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka iyo waliba bulshada rayidka wuxuua sheegay in shirkaasi uu yahay shiqool Ummadda Soomaaliyeed lagu gelinayo gumeysi uuna la mid yahay shirarkii hogaamishii kooxaha Soomaaliya dibadda loogu qaban jiray waxa uu ka bedelanyahay kuwaasina aysan jirin, wuxuuna xusay in Turkigu uu u adeegayo dowladdo shisheeyo oo gumeysi la raba Soomaaliya.
