|

40-qodob oo laga soo saaray shirkii Istanbul ee dhinacyada siyaasadda Soomaalida iyo dowladda Turkiga oo fasax loo siiyey inay…

Shirkii labadii maalmood ee tagtay uga socday magaalada Istanbul ee xarunta dalka Tukiga ayaa gebagebadiisii waxaa laga soo saaray qodobo gaaraya 40-qodob oo lagu sheegay in midba uu kan kale ka muhiimsanyahay, waxayna kala yihiin qodobadaasi sidan:-

In la tixgeliyo Madaxbanaanida, sharafta iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, in nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin, nabadeyn iyo xiriir siyaasadeed si loo helo dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta, in beesha caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii dowladda ee sanadkii la soo dhaafay oo marxalado adag lagu soo shaqeeyay isla markaasna horumar laga sameeyay dhinacyada ammaanka, siyaasadda, bani’aadannimada iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna ka qeybgalayaasha shirka ay hoosta ka xariiqeen in mas’uuliyadda koowaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida beesha caalamkuna ay ku taageerayaan.

Sidoo kale qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa in la xasuusto shirkii London oo aad iyo aad muhiim u ahaa arrimmo badanna lagu gaaray, in la soo afjaro xilliga KMG 20-August-2012-ka sida ku cad Kampala Accord, Road Map-ka, Garowe Principles iyo Addis Ababa, in beesha caalamku ay si degdeg ah u fuliyaan dhammaanba ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo marka Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii ansixin laheyd dastuurka iyo Baarlamaanka cusub, in Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka iyadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin, in shirka Istanbul uu soo dhaweynayo inay si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka, in shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo dastuurka iyagana ay xaq u leeyihiin arrimihiisa, waxayna ka qeybgalayaasha shirka ku baaqeen in Baarlamaanku cusub uu noqdo mid loo soo xulo si cadaan ah oo aysan mugdi ku jirin.

Qodobadii shirka Istanbul laga soo saaray waxaa kale oo ka mid ah in doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka aan dib looga dhigi karin waqtigooda, wuxuu kaloo shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii bishii May ka soo baxay IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in ciddii ka hortimaada hanaanka hadda socda ee loo aqoonsanayo qaswadayaal {Spoilers}, iyadoo shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag, in beesha caalamka looga baahanyahay inay taageeraan qabsoomidda wadahadalada dhexmaraya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, ka soo qeybgalayaashu waxay aad iyo aad u eegeen in siyaasadda cusub ee hadda dhalaneyso loo baahanyahay hay’adaha la soo dhisayo inay noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.

Sidoo kale qodobada ayaa waxaa ka mid ah in la helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday, waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya August 20-2012-ka barnaamijyo cusub oo dib loogu soo celinayo dhismaha hay’adaha dowliga taasi oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road Map-ka, in la soo celiyo dib u dhiskii dalka iyadoo dhammaanna Hay’adaha Ammaanka loo helayo tasaaliidkii ay u baahnaayeen laguna xoojiyo, in xagga tababarada laga taageero ciidammada Soomaaliya sida ay hadda bilowday dowladda Turkiga, in la sameeyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo dalka ammaankooda sugi kara, in dowladihii horey u balanqaaday inay Soomaaliya u soo dirayaan ciidammo ka mid noqda AMISOM ay si degdeg ah u soo dhameystiraan ciidammadii ay ballanqaadeen, in laga hortago dhammaanba wixii keeni kara carqalad horleh, in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’adaha amniga, in la dhiso amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’adihii sharciga sida Maxkamadihii, in la sameeyo sanduuq dhaqaale oo sii dedejiya fulinta iyadoo caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan  arrimahan taasi oo loo arko mid ka duwan sidii caalamku horey ugu taageeri jiray Soomaaliya, in shirka iyo Beesha caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen ugu dambeyntiina fulinta qodobadan waxaa loo xilsaaray mas’uuliyadeeda koowaad dowladda Turkiga iyadoo beesha Caalamkana ay arintaasi gacan ka geysan doonaan.

Leave a Reply