Dowladda Kenya oo sheegtay inaysan Soomaaliya ka bixi doonin illaa iyo inta ay ka gaareyso danihii ay markii hore u soo gashay, kuna hanjabtay…
Wasiirka gaashaandhigga dowlada Kenya Yuusuf Xaaji oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladiisu aysan marnaba Soomaaliya kala baxeyn ciidamadeeda tan iyo inta la soo gabagabaynayo howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya.
Yuusuf Xaaji waxa uu xusay in inkastoo dalkiisa ay ka dhacaan weeraro uu ku sheegay inay yihiin kuwo argagixisinimo haddana taasi aysan keenayn sida uu yiri in ciidamadooda ay Soomaaliya kala baxaan, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Ciidamadeena kalama baxeyno hadda Soomaaliya illaa howlgalkeenu dhamaado, ujeedkeenuna waxa uu yahay inaan Soomaalida ku caawino sidii ay ammaanka u sugan lahaayeen, wax cabsi ahna naguma hayaan weerarada lagu qaadayo gudaha dalka Kenya oo ay ku jirto caasimadeenan Nairobi”.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay dowladdiisa ka go’antahay inay si buuxda uga qeybqaadato hoawlgalka ka dhanka ah Xarakada Al-ahabaab ee ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya illaa Soomaaliya amaanka lagu soo celiyo, wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan ay la wareegi doonaan magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay, waxaana xusid mudan in muddo ku dhow hal sano ay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda ay soo dhaafi waayeen halkii ay markii hore ka soo dagaal galeen, marka laga reebo todobaadkii aynu soo dhaafnay oo ay la wareegeen degmada Afmadow.
