Shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo Maanta uga furmaya dalka Itoobiya dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya
Dowladaha ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya ee kala ah Yugandha, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee xrunta dalka Itoobiya, kaas oo ay uga hadli doonaan wejiga labaad ee howgalka ay Soomaaliya ka wadaan iyo sidii ay u sii wadi lahaayeen.
Sida warku sheegayo kulanka ayaa lagu dejin doonaa qorshe ciidan oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kaas oo ujeedadiisu tahay sidii afar aag looga bilaabi lahaa dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo gacanta ku haya dhul aad u ballaaran oo ku yaala batamaha yo koofurta dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka looga hadli doonaa goobihii dhawaan laga saaray Xarakada Al-shabaab sidii ammaankooda loo sugi lahaa.
Afhayeenka wasaaradda arrimada dibadda Itoobiya Dina Mufti oo ka warbixinayey waxyaabah kulanka looga hadli doono iyo cidda ka qeybgaleysa ayaa sheegay in kulanka ay ka qeybgali doonaan wasiirada difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada dalalka Yugandha, Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Qorshaha ciidan ee la dejinayo waa mid lagu eegayo sidii afar aag looga weerari lahaa Al-shabaab, si looga saaro goobaha ay kaga suganyihiin Soomaaliya” ayuu yiir Dina Mufti oo u waramayey wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.
Kabtan Gilbert Nitunga oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in qorshahoodu yahay mid ay dalka oo dhan ay ku baahinayaan ciidamadooda gaar ahaan magaalooyinka Balcad, Marka, Baraawe, deegaanada ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool iyo gobolada dhexe.
