Yoweri Museveni:- Madaxda sare ee Soomaalida nabadeynta dalkooda waxay ka doorbideen sidii ay u heli lahaayeen baasabooro dibadda ah si ay
Madaxdwaynayaasha dalalka Turkiga iyo Yugandha Cabdalla Guul iyo Yoweri Museveni oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxay uga wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya oo ay ka yeesheen kulan saacado soconayey.
Madaxwaynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni ayaa dowladda Turkiga waxa uu ku amaanay dedaalkeeda ku aadan xal u helidda dalka Soomaaliya isagoo dowladaha kale ugu baaqay in talaabada turkiga mid lamid ah ay qaadaan, wuxuuna ku tilmaamay shirka ka socda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga inuu yahay kii Soomaalida ay uga samatabixi lahaayeen dhibaatada mudada dheer heystay, laakiin Museveni ayaa waxa uu eedeyn kulul u soo jeediyay madaxda Soomaalida ah oo uu ku eedeeyay inaysan tixgelin siineynin inay ka tashadaan aayaha dalkooda oo ay midoobaan.
Madaxweynaha Yugandha waxa uu shaaca ka qaaday in madaxda Soomaalida intii ay isku howli lahaayeen ina dalkooda nabadeeyaan ay ka fikirayaan sidii ay u heli lahaayeen baasabooro dhanka dibadda ah si ay isugu ilaaliyaan, wuxuuna intaasi ku daray in madaxda hadda jirta ee Soomaalida aysan aheyn kuwo daacad ah.
Dhinaca kale Madaxwaynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa isagana dhankiisa waxa uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uuna yiri “Soomaaliya maanta waxaan ka qabnaa rajo lixaad leh inay cagaheeda isku taagto mustaqbalkana wey hagaagi doontaa, waxaanna ka geeysan doonaa gacanta ugu weyn dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya kamana daali doono taageerada walaalaheena Soomaaliyeed”, wuxuuna intaasi ku daray oo uu balanqaaday in dalkiisu uu ka dhabeyndoono sidii loo hirgelinlahaa mashaariicda isugu jirta dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo si gaar ah looga taageerayo abuurista dhaqaale, wuxuuna caalamka ku booriyey in rajada mustaqbal ee Soomaaliya u muuqata lagu gacansiiyo.

Somalia wixci soo marey haddii ay dal kale soo mari lahayeen maanta dalkaasi calamkaba kama jireen.
Dal ay baaba’day hannankiisi maaliyadeed oo lacagtiisi caalamka aysanka socon.
Waddan ay hannanki socdaalkiisu nbaabaeen oo cidna saareyn visa baasaboorkiisa oo qofki uusan mewel caalamka ah u dhaqaaqi karin.
waddan ay baabaday hannanki nabadgelyada oo muddo aan lahayn hannan cadaaladeed maxakamado iyo boolis. waddan aan lahayn isbitaaalo sax ah iyo wasaarad caafimaad muddo 20sano ah haddana intaas dadkiisu noolyahay oo shaqaynayo oo socdaalayo oo jaamacado caalamka ah ka baxeen maalgashadeen caalamka mashriq iyo maqrib min china ilaa south africa in wixi ay ku dhaqaaqi lahaayeen oo baasaboor ah maadaama koodi iskutallab cas la saaray in ceeb looga dhigo waa meeshi aad ku burburteen haka dhaqaqina ee dabool madaxa halla idinka saaro.
Madaxweynaha ereygaas kama uusan fiirsan waayo asaga markuu Kenya jabhadka ka ahaa haddii la oran lahaa baasaboor ugaandhees ah cid visa sareysa ma laha inuu wax kasta sameyn lahaa si uu u helo hab uu ku dhaqdhaqaaqo waxaa xaqiiq.
Waxaasma cuno baahideeda ayaan ku qaban, waxaasna ma aqaan waqtigeedi ayaadan gaarin ayay Somalidu oran jirtey. Markaas Somali wixi ay martey xanuunkeeda nimaan arag ma qiimeyn karo.