Saraakiisha dowladda KMG oo sheegay in dad leh dano gaar ah ay falal amaan darro ka wadaan degmada Afgooye
Gen. Cali Caraaye Cosoble Gacmaduule oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliy ayaa wuxuu sheegay amaanka degmada Afgooye inuu yahay mid leysku haleyn karo, wuxuu sheegay amaanka degmada inuu yahay mid wanaagsan isla markaasna wararka sheegaya inay jiraan xaalado amaan daro inay tahay mid qalad ah oo been abuur ah.
Cali Caraaye Cosoble ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad dano gaar ah leh oo wata dareyska ciidamada dowladda KMG oo dadka dhibaataynaya, isla markaasna aanan ka tirsanayn ciidamada dowladda KMG, wuxuuna sheegay in kuwaasi haddii gacanta lagu soo dhigo ay la kulmi doonaan ciqaab adag sid auu yiri, wuxuuna ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan inta aan gacnata lagu soo dhigin.
“Waxaa jira dad dano gaar ah leh oo dhibaato ka wada degmada Afgooye, kuwaas oo dadka dhacaya, dilaya handadaadna u geysanaya, waxayna dadkaasi ku lebisanyihiin dharka ciidanka, waxaan idiin sheegayaa in dadkaasi aysan ka tirsaneyn ciidamada dowladda KMG, isla markaasna aan ku heyno baadi goob haddii la soo qabto dadkaasi waxay kla kulmi doonaa ciqaab adag oo aysan weligood ka soo kabsan” ayuu yiri Gen. Cali Caraaye Cosoble Gacmaduule oo digniin adag u jeediyey dadka ku lebisan dharka ciidan ee dhaca iyo handadaada u geysanaya dadka ku nool degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ay dhawaan la wareegtay dowladda KMG Soomaaliya.
Dhinaca kale wuxuu sheegay Gacmaduule inay jiraan dad falal amni daro ka waday degmada Afgooye isla markaasna la soo qab qabtay, maxkamadna la soo taagi doono sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in dadkaasi qaarkood markii la qabtay ay bixiyeen tafaasiilo badan oo ku aadan halka laga soo diray iyo cidda soo dirsatay intaba.
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa degmadaan dhowaan la wareegay ayagoona ka saaray kooxda Al-Shabaab oo mudo maamulayay, waxaana jira cabashooyin ka soo yeeraya dadka shacabka ah kuwaasi oo ka cabanaya in askarta dowlada ay dhibaateeyaan.
