Gudoomiha maxkamada sare ee somaliland lagu dhaawacay gudaha magaalada hargaysa
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in saakay arootii hore gudaha magaalada Hargeysa lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Somaliland xilli uu ka soo baxayey gurigiis.
Sida warku sheegayo Guddoomiyaha ayaa waxaa dhaawaca geeystay Seder nin oo ku hubeysnaa bastoolado, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha soo gaaray dhaawac culus, haatanna lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, kaas oo la sheegayo in xaaladdiisu ay liidato, inkastoo warar kale ay sheegayaan in dhaawaca Guddoomiyuhu uu fududyahay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kooxihii dilka dhaawaca ah u geystay Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Hargeysa ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana daqiiqado ka dib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa mamulka Somaliland oo baaritaano halkaasi ka sameeyay, inkastoo aan la sheegin cid ay u qabteen weerarka lagu dhaawacay Guddoomiyaha.
Wixii war ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkala soo socdsiineynaa iyo xaaladda caafimaad ee Guddoomiyuhu halka ay ku dambeyso.
