|

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Mas’uuliyiin ka tisan dowladda KMG Soomaaliya ay ka mid yihiin qaswadayaasha, Hogaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdishana ku eedaysay inay…

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in afar kooxood ay ka koobanyihiin waxa uu ku tilmaamay qaswadayaasha caqabadda ku ah qorshaha Road Map-ka, wuxuuna ugu horeyn uu ka hadlay heerarka uu soo maray geedi socodka lagu hirgelinayo heshiiska Road map-ka kuwaa soo soo bilowday bishii Sebtember ee sanadkii hore markii la saxiixay qorshaha Road Map-ka, taas oo ay ku xigtay sidii heshiiska saxiixayaasha ay sameeyeen looga dhigi lahaa mid dadku u wada dhan yihiin.

Mahiga oo la weydiiyey su’aal aheyd waxa ka hirgalay qorshaha Road Map-ka maadaama hadda laga joogo muddo ka badan sagaal bilood markii la saxixay Road map-ayaa waxa uu ku jawaabay “Qorshaha tubta qariirada Road map-ka wuxuu soo maray seddex marxaladood, midda koowaad waxay aheyd in la qeexo dhabaha la qaadayo iyo in laga dhigo habka wax loo wadayo mid loo dhanyahay oo dadkoo dhan ay ku jiraan, wuxuu soo bilowday bishii Setembar sanadkii hore markii aan saxiixnay Road map-ka si loo dhameeyo waqtiga KMG ah iyadoo la isu keenayo dhammaan dadka ay taladu ka go’do inay ka soo wada qeybgalaan saxiixayaasha, waxaana sidoo kale ku soo darnay qeybaha bulshada rayidka shirkii aan u qabanay bishii ku xigtay si ay u taageeraan Road map-ka, taasi waxay aheyd marxalada koowaad. Kadib waxaangalnay marxalada labaad oo ah inaan dib ugu noqono isla markaasna ahmiyado u kala yeelno howsha taas keliya ma ahee in la kala hormariyo laakiin waxay sidoo kale aheyd in la qeexo hay’adaha dawladeed ee la rabo inay bedelaan ku-meelgaarka, taasina waxaan ku qabanay shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2, waxaana soo baxay heshiiska mabaadii’da Garowe” ayuu yiri Mahiga oo intaasi ku daray hadda waxaan ku dhexjirnaa marxaladdii saddexaad, waxaa noo haray wax ka yar 65-maalmood si loo soo afjaro KMG, marxaladda ugu dambeysa waxaa jira hawlo muhim ah oo la rabo in la qabto; howsha koowaad waxay ahayd in odayaasha dhaqanka la keeno Muqdisho waxayna ku lugyeelanayaan soo xulista Golaha Dastuuriga, Golaha dastuuriguna waa kuwa ansixinta dastuurka cusub yeelanaya, dastuurkaas oo qabyo ahaa tan iyo todobadii sano ee la soo dhaafay.

Danjire Mahiga oo la weydiiyey sida uu u arko wararka sheegaya in Odayaasha dhaqanka uu ka dhexjiro buuq farabadan iyo qabiilooyin ka cabanaya in odayaashoodii dhaqanka la bedelay ayaa waxa uu ku jawaabay “Odayaasha dhaqanka waxay hadda joogaan Muqdisho iyagoo ka wakiil ah beelahooda, jufooyinkooda iyo xitaa jufo-hoosaadyada beelaha, waa iyaga kuwa noqonaya isha sharciyadeed, marka uusan jirin doorasho toos ah odayaal dhaqameedku waa wakiilada ugu muhimsan ee shacabka Soomaaliyeed, waxay noo dhisayaan Golaaha Dastuuriga, sidoo kalena waxay soo xuli doonaan Baarlamaanka cusu, Baarlamaanka cusub wuxuu soo dooran doonaa MADAXWEYNE CUSUB oo soo dhisi doona xukuumad iyo raysul wasaare cusub, way jirtaa in jahwareer ka taaganyahay daydhaqameed qaar ka mid ah, waxaana u saarnay Guddi dhexdhexaadin ah oo soo kala cadeeya odayaasha saxda ah iyo kuwa kale, waayo qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka ayaa waxaa soo farsameystay siyaasiyiin, waxaa kaloo xaqiiqdii jira muran ka taagan odayaasha qaarkood laakiin waa mid qoyska dhexdiis ku saleysan ama qabiilada waana inay iyaga isxaliyaan”.

Mahiga mar la weydiiyey wararka sheegaya in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalidu ay doonayaan inay saameyn ku yeeshaan hogaamiyaasha dhaqanka ayaa waxa uu yiri yiri “Arrrintan waxaan u arkaa khatar weyn waana in si degdeg wax looga qabtaa, Golaha dastuuriga waa muhim, waxaana hadda odayaasha dhaqanka u sameyneynaa xogheyn ka caawisa sidii ay u diyaarin lahaayeen habka wax soo xullidda iyo guddi farsamo  oo dusha kala socda in dadka la soo xulayo ay yihiin kuwo buuxiyey shuruudaha laga rabo xubinta ka mid noqoneysa Golaha Dastuuriga oo ah shuriidihii lagu soo saneeyay shirkii Garowe, kuwaas oo noqonaya dhamaan shuruudaha horyaala haddii ay yihiin xubnaha Golaha Dastuuriga ama xubnaha Baarlamaanka cusub, waxaanu ula soconaa si taxadar leh si aysan dadkan ugu soo dhexdhuumanin kuwa qaska iyo xumaanta jecel, cid walba oo isku dayda inay wiiqdo hanaanka ama ama isku dayda inay saameyn xun ku yeelato odayaasha dhaqanka waxaa loola dhaqmi doona si adag, waxaana loo qaadanayaa fal qaswadanimo ah.

Mar la weydiiyey su’aal aheyd yaa qaswade ah, tilaab noocee ah ayaase laga qaadayaa waxa uu yiri “Waxaa jira qafar nooc oo ah qaswadayaasha kooxda koowaad waa qaswadayaasha ku dhex jira hay’adaha dowladda KMG amaba gobolka ku sugan kuwaas oo raba inay dhabarka ka jabiyaan geedi socodka, ujeedkuna wuxuu yahay inay waqti kale sii krorsadaan si ay meesha u joogaan amaba waxay rabaan inay caqabad noqdaan, kooxda labaad waa qaswadayaal fursad doon ah, kuwan kuma dhexjiraan hay’adaha dowladda KMG laakiin waxay eeganayaan fursadda ugu wanaagsan ee ay qas ku abuuri karaan si ay uga faa’ideystaan tabardarnaanta dowladda, waxay sameynayaan inay canshuurta la baxsadaan ama ay laaluush bixiyaan amaba si kale ay saameyn u yeeshaan, kooxda seddexaad waa qaswadayaasha istiraatijiiyada, waxaana ula jeedaa qabqablaashii dagaalka ee hore, waxay iyagu diyaar u yihiin inay adeegsadaan rabshad iyo hub si ay dib ugu soo laabtaan, ma ahan inay sida hadda wax yihiin ay rabaan ee waxay doonayaan sidii hore awoodii qabqablayaasha dagaalka ay dib u soo celiyaan, hadda way isdiyaariyeen, waxay dib boorka uga jafeen maleeshiyooyinkooda,  waxay aad uga soo horjeedaan shuruudaha lagu xiray hogaanka cusub, waxaa jira koox afraad oo ah qaswadayaasha, kuwani ma joogaan gudaha Soomaaliya ee waxay joogaan qurbaha, kuwani waa shar waana khatar mararka qaar, waayo waxay qasayaan oo ay sumeynayaan maskaxda dadka Soomaaliyeed, iyagoo qoraalo ku soo qora Website-yada ama maqaalo ay daabacaan ama noockasta oo afmiinshaarnimo ah si ay dadka u khaldaan oo ay u marin habaabiyaan iyagoo sheeganaya xoriyad hadal, laakiin xaqiiqdii waxay qasayaan dadka Soomaaliyeed, digniin ayaan u dirnay, waana garaneynaa kuwa ay yihiin laakiin waa in baaritaan lagu sameeyaa, waxaana loo xilsaaray baaritaankooda iyo dib u eegistooda guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.   Mardhow haddii ay waxyaabaha ay wadaan sii socdaana kuma ekaaneyno digniin guud oo kaliya ee waxaanu ku wargalineynaa inaanu la socono waxay sameynayaan, laakiin nasiib wanaag markii digniinta guud aanu soo saarnay, si muuqata ayay hoos ugu dheceen noocyada qaswadayaasha.

Leave a Reply