|

Al-shabaab oo sheegtay inay Soomaaliya ka hirgelinayaan dowlad Islaami ah

Ninka ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa sheegay inay dagaallada ay kala soo horjeedaan dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay sii wadayaan.

 

Abuu Zubeyr oo oo cajalad maqal ah soo saaray  ayaa wuxuu ku sheegay in qorshahoodu yahay inay Soomaaliya ka dhisaan dowlad Islaam ah, inta ay arrintaas ka hirgelinayaana aysan joojineyn dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Waxa uu Abuu Zubeyr ku eedeeyay dalalka reer galbeedka inay dhibaatooyin ku hayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay duulaan ku soo qaadeen dalalkaasi markii ay arkeen horumarka ka socda gobollada ay ka taliso Al-shabaab.

 

“Dal uu Mareykanku ka mid yahay ayaa nagu soo duulay” ayuu yiri Abuu Zubeyr oo xusay in qorshaha dalalkaasi ugu soo duuleen Soomaaliya ay tahay iyagoo aan dooneyn nabadda, cadaaladda, ganacsiga iyo kororka wax soo saarka dalka Soomaaliya oo degaannada Al-shabaab ka taliso oo kobcay sanadihii dambe, qorshahooduna wuxuu yahay inay ka hortagaan horumarkaas  ayuu yiri Abuu-Zubeyr.

 

Waxa kale oo uu sheegay in iyaguna aysan ka laabanayn go’aankooda ah inay la dagaalamaan dowladda KMG Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo dalka Mareykanka oo uu sheegay inuu dabada ka soo riixayo dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.

 

“Dowlad Islaami ah  ayaan ka dhisaynaa Soomaaliya, balse waa in loo dulqaataa imtixaanka adage e la marayo inta laga gaarayo dhismaha dowladdaas” ayuu yiri Abuu Zubeyr  oo tibaaxay in hadafkooda aysan marnaba ka leexanayn.

 

Madaxda Soomaalida ayuu ku eedeeyay inay adeeceen gaalada, isagoo sheegay in qofkii adeeca gaalada iyo fikradaha ay wataan uu yahay qof ka baxay diinta Islaamka.

 

Hoggaamiyaha Al-shabaab oo Mareykanku sheegay in ciddii soo qabata ama soo disha uu siinayo lacag abaalmarin ah oo gaarysa todoba milyan oo doollar ayaa wuxuu sheegay inuusan arrintaasi waxba u arag, isagoo ugu baaqay xoogagga Al-shabaab inaysan is khilaafin, ayna adeecaan hoggaamiyahooda, adkeeyaanna walaalnimada dhexdooda ah si ay ugu guuleystaan hadafkooda, isagoo xusay inay iyagu guusha u dambeyn doonto.

Leave a Reply