Ciidammo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dagaalamay
Ciidammo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu maanta dagaal ku dhexmaray degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dagaalkaasi hal qof uu ku dhintay, mid kalena uu ku dhaawacmay.
Iskahorimaadka oo ka dhacay agagaarka warshadda caanaha ayaa wuxuu dhex maray ciidamo milateri ah oo halkaas saldhig ku leh iyo askar Booliis ah, waxaana la sheegay in ciidamo kale ay kala dhex galeen.
Taliyaha saldhiga booliiska degmada Hodan, G/sare Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadii dagaalamay lakala dhex galay, isla markaana ay qaar ka mid ah gacanta ku soo dhigeen.
Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ku dagaalamaan gudaha magaalada Muqdisho, dagaalladaasoo geysta khasaarooyin kala duwan oo soo gaara ciidamada qudhooda iyo dad rayid ah.
