Sheekh Muqtaar Roobow Cali {Abuu Mansuur:- Mareykanka meesha aan joogo aniga ayaa u sheegaya
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah hoggaanka XSHM ayaa markii ugu horreysay ka hadlay war bishii lasoo dhaafay kasoo baxay Dowlada Mareykanka kaasi oo lacago malaayiin Dollar ah ladul dhigay madaxda XSHM.Abuu Mansuur oo boqolaal qof shacab ah kula hadlay masjid ku yaal magaalada Buurhakaba ayaa ku jeesjeesay warkii Mareykanka ee ahaa “Ciddii madaxda Al Shabaab meel ay joogaan soo sheegta waxaan siineynaa $33.
“Warka gaalada ay sheegeen runtii anaga noolama jeedaan waxay duris iyo Ihaano ku tahay shacabka somaaliyeed ee muslimiinta ah bal kawarama haddii lagu yiraahdo Jawwaan lacag ayaan ku siinayaa Ee wiilkaaga soo dil soo ninkaasi kuma ihaaneysan” Sheekha ayaa muujiyay in uusan ka baqeyn mareykanka iyo xulifadiisa isagoona carrab dhabay halka uu ku suganyahay iyo xitaa meesha uu marwalba ka cunteeyo wuxuuna yiri waxaan ku suganahay masjidka magaalada Buurhakaba Jimcihii hore waxaan ku sugnaay Tiyeeglow waana Allaah mahadii wilaayo ka wilaayo ayaan amaan ku maraa”..
Waa mas’uulkii 2-aad ee katirsan Xarakada Al-shabaab oo ka jawaaba warkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka madaxda mujaahidiinta Somaaliya ayaa furimaha dagaalka ku sugan waxayna hogaaminayaan dagaalka jihaadka ah ee lagu diidanyahay cadowga diinta iyo dalka ku soo duulay.
