|

Qarax uu khasaare ka soo gaaray saraakiil Kenyaan ah oo ka dhacay Mandheera iyo Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay…

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Soomaalida waqooyio bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo xoog leh uu ka dhacay gabaldhicii shalay bartamaha magaalada Mandheere, kaas oo lala eegtay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay iyadoona xilliga uu qaraxa dhacayey saraakiisha ay ku sugnaayeen meel geed hoostiisa ah, halkaas oo la xaqiijiyey inay miinadu ku aasneyd, waxaana ku dhaawacmay labo sarkaal oo Kenyaan ah iyo ciidamadii la socday, kuwaas oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Saraakiisha amaanka magaalada Mandheera ayaa sheegay in qaraxan uu qeyb ka yahay qaraxyo Miino oo muddooyinkii dambe ka dhacay gudaha dalka Kenya, inkastoo aysan jirin illaa iyo hadda cid sheegatay qaraxaasi, waxaana halkaasi ka bilaabay qaraxa ka dib howlgal balaaran ciidamada Kenya oo la sheegay inay qabqabteen dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin kooxihii weerarka fulliyey.

dhinaca kale kooxo hubaysan oo aan la aqoon heybtooda ayaa xerada Qaxootiga ee Dhagaxley waxa ay ku dileen nin Ganacsade ahaa oo ku sugnaa gudaha Xeradaasi, isla markaasna halkaasi ku lahaa goob ganacsi.

Sida warku sheegayo kooxda dilka geystay oo ku hubeysnayd bastoolado ayaa dhowr xabadood la dhacay ninkaasi oo aan la shaacin magaciisa, waxaana dilkaasi warbaahinta u xaqiijiyay C/fitaax Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Xerada Dhagaxley ee dalka Kenya.

“Illaa 5-ruux ayey ahaayeen wajiyada ayaa u duubnaa, ninka ganacsadaha ahaa ayey ugu galeen goobtiisa ganacsi wayna ku dileen” ayuu yiri Guddoomiyaha Xerada Dhagaxley, waxaana xusid mudan in qaxootiga ku jira xerooyinka dalka Kenya ayaa hadda ka walaacsan falalka ammaan darri ee ku soo kordhay xeradaasi, waxaana la sheegay in ciidamada booliska dalka Kenya halkaasi ay ka wadaan baaritaano.

Leave a Reply