Doonyo iyo Maraakiib ganacsi ku soo jeeday dekadda Muqdisho oo ku xirtay dekadda Bosaaso ka dib markii…
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaysheegayaan in illaa 8-Markab iyo doonyo oo nooca ganacsiga ah kana yimid wadamada Khaliijka iyo dalal kale, kuna soo jeeday dekadda magaalada Muqdisho ay ku xirteen dekadda magaalada Bosaaso.
Sida warku sheegayo Maraakiibtan iyo Doonyahan ayaa u weecday dekadda magaalada Boosaaso ka dib markii ay baddu ku kacday, isla markaasna ay u saamixi weysay inay safarkooda sii wataan sababo la xiriira dabeylaha kacay awgood.
Doonyaha iyo maraakiibta ayaa markii dambe bilaabay inay usoo jiheystaan dekadda magaalada Bosaaso oo ay ku dejinayaan dhamaan rarkii ay wadeen oo isku jira qaybo kala duwan oo u rarnaa ganacsatada magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee ku dhowdhow.
Doonayaha ayaa inta badan marka ay dabeyluhu kacaan waxay joojiyaan safaadii sy kuimaan jireen dalka Soomaaliya xilliga xagaaga, laakiin lama oga sababta keentay in maraakiibta ay iyuguna sheegaan inay u wareegeen dhinaca dekadda magaalada Boosaaso, waxaana jira warar kale oo sheegaya in qaar ka mid ah ganacsatada ay badeecadahooda u weeciyeen dekado kale ka dib markii canshuurta dekadda magaalada Muqdisho laga dhigay mid xad-dhaaf ah sida ay sheegeen.
