Qaraxyo ruxay Magaalada Gaarisa.
Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyootay markii bom nuuca gacanta laga tuuro ah uu ku qaraxay Labo Kaniisad oo ku taalla Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya taasi oo saldhig muhiim ah u ah ciidamad Kenya ee ku sugan Koofurta Soomaaliya kuwaasi oo la dagaalamaya Xarakada Al Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al Qaacidda.
Philip Ndolo oo ah Taliye ku xiggeenka Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu dhacay islamarkaana ay ku geeriyoodeen 10-ruux ayna ku dhaawacmeen 40-kale.
“Ilaa iyo hada waxaan heynaa dhimasahada 10-qof iyo dhaawaca in kabadan 40-kale kuwaas oo wax ku noqday weerarka bambaanooyinka ahaa” sidaasi waxaa sheegay Philip Ndolo oo lahadalay wakaalada wararka ee Reutures.
“Qarax wuxuu ahaa mid xooggan, marka hadda waxan sii tiro koobaynaa qasaaro intaani ka badan, labo bambaanooyin oo ah nuuca gacanta laga tuuro ayay ahaayeen” sidaasi waxa yiri Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada Kenya.
Magaalada Gaarisa ayaa waxa marar badan ka dhacay qaraxyo iyo weeraro nuucaani oo kale ah, hase ahaatee dhacdadaani ayaa waxa ay noqonaysaa tii ugu qasaaraha badneyd ee muddooyinkaani ka dhacda dalkaasi.
