Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya oo maanta ka furmaya dalka Talyaaniga iyo saxiixayaasha Road Mad-ka oo…
Iyadoo maanta oo Isniin ah uu dalka Talyaaniga ka furmayo shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Contct Group ayaa waxaa halkaasi gaaray xubno ka socda dowladda KMG, maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca si ay uga qeybgalaan shirkaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Wafuuda ka socota dhinaca Soomaaliya ee gaaray halkaasi ayaa waxaa ka mid ah Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG, Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo sidoo kale ay halkaasi gaareen wafuud kala mataleysa maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowr garab ka ka kala socota.
Shirkan ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saarayaa qorshaha Road Map-ka iyo hirgelintiisa oo dhowrjeer dib u dhacay, iyadoo dhinaca kale shirka looga hadlayo bixinta dhaqaale lagu taageerayo hirgelinta qorshaha Road Map-ka, dhaqaalahaas oo ay dowladda Talyaanigu ay balanqaaday inay bixineyso qeyb ka mid ah.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa si weyn looga hadli doonaa arrimaha dalka Soomaaliya iyo isbedelada ka socda, sidoo kalena waxaa lagu wadaa in shirka diiradda lagu saaro arrimaha ammaanka iyo xasilooni ku soo dabaalidda Soomaaliya, waxaana shirkan oo ay ka qeybgalayaan wakiilo ka socda dalal aad u faraban iyo hay’ado caalami ah uu socon doonaa muddo labo maalmood ah, iyadoo si weyn loogu gorfeyn doono arrimaha dalka Soomaaliya iyo xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro sidii looga bixi lahaa.
