|

Maamulka Somaliland oo xukun adag mid ka mid ah hogaamiyaasha caanka ah Soomaaliya.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo muddo ka badan boqol cisho u xirnaa maamulka Somaliland, iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin ayaa shalay waxaa markale lagu xukumay hal sano oo xarig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay eedaymo ah ceebeyn u geystay xubno ka tirsan maamulka Somaliland, isla markaasna uu sameeyay kicin dadweyne sida ay ku dooday maxkamaddii xukunka ku riday.

Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Hargeysa Cismaan Ibraahim Aadan ayaa sheegay in ka dib markii ay dhagaysteen eedaha loo heysto boqorka ay ku heleen qodobka 268 ee xeeka ciqaabta guud oo ah in ceebeen iyo dhaleeceen uu ku sameeyey madaxda maamulka Somaliland isagoo joogga dalka gudihiisa sida uu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda.

“Waxaanu u cuskanay qodobka 268 ee xeerka ciqaabta guud, xarafkii 1aad iyo 2aad oo ah ceebeyn iyo dhaleeceyn” ayuu yiri Garsooraha xukunka halka sano ku riday boqor Buurmadow, kaas oo sheegay in uu laalay qodob kale oo lagu soo eedeeyey, wuxuuna yiri “waxaa kale oo aanu laalnay qodobada 212 iyo 215 oo tilmaamayey muwaadinku haddii uu dembi galo isagoo jooga wadanka dibaddiisa aan lagu qaadi karin, markaa qodobkaasi ma aha mid waafaqsan eedaha loo soo jeediyey”.

Garsooruhu waxa uu sheegay inaan lagu qaadi karin wax dembi ah haddii uu dembi ku galay wadanka dibadda, balse lagu xukumayo un dalka gudihiisa wixii uu dembi ka sameeyay, sidaas darteed qodobada qaar oo lagu soo eedeeyey uu laalay, halka uu sheegay inuu ku xukumay qodobkii tilmaamay dambigii uu ku galay wadanka gudihiisa .

Dhinaca kale qareenka u doodayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in xukunkan lagu riday aanu ku qanacsanay, isla markaasna ay ka wadatashan  doonaan cidda ay khuseyso, wuxuuna yiri “Boqor Buur-madow abaddii qodob ee lagu eedeeyay labadiiba way ku weyday maxkamaddu, hase yeeshee maxkamaddu qodob kale oo aanu ka difaacnay ayey ku xukuntay” ayuu yiri Garyaqaan Barkhad Jamaac Aare oo ah qareenkii difaacayey oo u waramayey warbaahinta.

“Qodobka lagu soo eedeeyey waxa uu ahaa in isagoo imaaraadka jooga uu dembi galay waana qodobka 212, oo ah inuu warar ku faafiyey dalka dibaddiisa iyo qodobka kale 215 oo ah in dacaayado iyo kicin uu ka sameeyay dalka gudahiisa iyo dibadda, wuxuuna yiri “Qodobkan dambe ee lagu eedeeyay ee dalka gudihiisa muu joogin, marka ay leeyihin wadanka gudahiisa ayaad ka sameysay halkii iay aheyd inuu dalka dibaddiisa ka sameeyay, mana jirto wax dembi cad ah oo loo heyso Boqor Buurmadow”.

Dhanka kale Xeerilaalinta maamulka Somaliland oo ah cidda dacwadda ku soo oogtay Boqor Buurmadow ayaa sheegtay inaysan ku qanacsaneyn xukunka lagu riday boqorka, isla markaasina ay doonayaan in dacwad kale ay ku soo oogaan si xukun kan ka adag loogu rido Boqor Buurmadow, waxaana la sheegay inuu boqorku gadan karo xukunka lagu riday ee halka sano ah, haddii aan dib loogu noqon dacwadda.

Leave a Reply