|

Dad ka badan 50-ruux oo ka soo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo lagu xirxiray magaalada…

Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga dhigay dad ka badan 50 qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin qarax habeen hore ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo lagu weeraray taliyaha ciidamada nabadsugidda ee magaaladaasi.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood habeen hore illaa shalay ayaa lagu soo xirxiray dadkaasi oo sida la sheegay u badan  dad ka soo jeeda gobollada koonfureed ee dalka  Soomaaliya.

Sida uu xaqiijiyey goob jooge ku sugan gudaha magaalada Laascaanood ciidamo katisan kuwa maamulka Somaliland ayaa saqdii dhexe ee habeen hore u dhacay goobo ay si gaar ah u degenaayeen dad ka soojeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay u badnaayeen dad wax ku iibsada suuqyada magalaada Laascaanood, wuxuuna goobjoogu intaasi ku daray  hal guri oo qua laga qabqabtay 15 qof oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ka soojeeda gobolada Koofueed ee dalka soomaaliya

Howlgalka dadka lagu xirxiray ayaa daba joogay qarax habeen hore ka dhacay guriga taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland Carab Ibraahim Warsame, kaas oo la sheegay inuu ku dhintay hal ruux oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan waxa uu ahaa, kaas oo markii hore la sheegay inuu ahaa nin uu Abti u yahay taliyaha gurigiisa la weeraray, balse markii dambe la sheegay in qofka dhintay uu ahaa askari ilaalinayey guriga Gudoomiyaha.

Leave a Reply