Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho.
Hay’adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay Denis Allex oo ahaa sarkaal u yimid magaalada Muqdisho inuu tababar siiyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya sanadkii 2009-kii oo isaga iyo sarkaal kale laga afduubtay Hotel ku yaala magaalada Muqdisho, kuna dambeeyay gacanta Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay inay heleen warbixinno xaqiijinaya in Allex uu weli nool yahay, isagoo sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kusoo furtaan sarkaalkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in xiriiro ay la sameeyeen Al-shabaab ay ku guuldareysteen ka dib markii ay waayeen wax jawaabi ay ku qancaan siiya.
Wasiirka gaashaandhigga Faransiiska ma uusan sheegin goobta rasmi ahaan lagu heysto sarkaalka iyo qaabka ay ku doonayaan inay kusoo furtaan, balse wuxuu xusay inay socdaan dadaallo lagu sii daynayo sida uu yiri, isagoo sheegay in haatan ay ku dedaalayaan sidii ay ku ogaan lahaayeen halka lagu hayo sarkaalka.
Xarakada Al-shabaab ayaa la rumeysan yahay inay sarkaalkan gacanta ku haysa inkastoo aysan iyadu ka hadlin weli inay heyso sarkaalkaas iyo in kale, wuxuuna ka mid yahay lix ruux oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu haysto gudaha Soomaaliya, waxaana xusid mudan in sarkaalkan markii la afduubanayey uu caawinayey dowladda KMG Soomaaliya, taas oo aan illaa iyo hadda weli ka hadlin.
