Warar kala duwan oo ka soo baxaya nin xalay lagu dilay degmada Shibis iyo israsaaseyn ka dhacday oo…
Taliska ciidamada Nabadsugida gobolka Banaadir ayaa xalay sheegay in ruux qorsheynayey inuu dil qorsheysan ka geysto degmada Shibis ay khaarijiyeen, xilli ciidamada nabadsugidda ay ku guda jireen howlgal lagu sugayey ammaanka.
Khaliif Axmed Ereg taliyaha ciidamada nabadsugidda ee gobolk Banaadir ayaa sheegay in ruuxa la dilay uu ku hubeysnaa bastoolad, isla markaasna uu rasaas ku soo furay ciidamada, isagoo xusay in goobta lagu dilay.
“Ciidamada nabadsugida iyagoo howlgalo ku guda jiray degmooyinka Shibis iyo Boondheere ayaey ku guuleysteen inay dilaan, kooxo bastoolad ku hubeysanaa oo doonayey inay dilaan dadka rayidka ah ee degmooyinkaasi, mid ka mid ah ayaana goobta lagu dilay markii iska caabin uu sameeyay” ayuu yiri Khaliif Axmed Ereg.
Khaliif ayaa sheegay in ciidamada nabadsugidda ay xilliyada habeenkii howlgalo ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan ammaanka, iyadoo dad goob joogayaal ahna ay sheegeen in ruuxa la dilay iyo labo kale oo la socotay oo baxsatay ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada oo socday wadada Nasiib Buundo, iyadoo meydka ninka la dilay xalay ku baryey goobtii lagu dilay.
Si kasta oo ay ahaataba tan iyo markii ay dowladda KMG si rasmi ah ula wada-wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayaa waxaa magaalada ku soo badanayey dilalka qorsaheysan iyo dagaalada lagu qaadayo fariisimada ay ciidamada dowladda KMG ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, iyadoo ay xusid mudantahay in sidoo kale ay jiraan iska horimaadyo mararka qaar dhexmara ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaara dadka rayid ah.
