|

Ciidamada dowladda KMG toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah ka dib markii lagu qaaday…

Qarax xoogan ayaa shalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilliwaa, kaas oo sida la sheegay lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu geystay khasarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamadii lagu weeraray.

Sida warku sheegayo qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Cali-turcaaye oo ka tirsan deegaanka Suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in qaraxa ka dib ay ciidamada dowladda KMG rasaas u fureen afarta jiho, taas oo sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inay dileen ciidamada dowladda KMG ee weerarka lagu qaaday, kaas oo ay sheegeen inay uga shakiyeen inuu weerarka isagu ka dambeeyay, inkastoo ay dadka deegaanka sheegeen in wiilka uu ahaa dadka deegaanka, wax luh ahna uusan ku laheyn falkaasi weerarka ah.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo xiray goobtii uu qaruxu ka dhacay ka dibna baaritaano halkaasi ka sambeeyay ku qabqabtay sida la sheegay dhalinyaro badan oo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin kooxihii weerarka ku soo qaaday.

Leave a Reply