Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya dalka Itoobiya iyo saameynta doorashada Guddoomiyaha Midow Afrika oo
Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmaya shirkii 19-aad ee Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay ka soo qeybgalayaan madaxda 53-dal oo ka kala socota qaaradda Afrika iyo martisharafeedyo kale oo ka kala socda qaaradaha dunida, kuwaas oo daneeya arrimaha Afrika, waxaana ka mid ah dadka lagu casuumay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo wafdi Mareykan ah.
Shirka oo u muuqda mid ka bedelan shirarkii hore marka la eego ka soo qeybgalayaasha oo ay wejiyo cusub ka muuqdaan sida Madaxweynaha Masar oo 17-sano uusan ka soo qeybgelin shirarka Madaxda Afrika, boqorka dalka Kuwait oo si gaar ah loogu casuumay shirka iyo dalal kale oo badan, waxaana diiradda lagu saari doonaa kulankaasi arrimaha Soomaaliya, labada suudaan iyo dalka Maali oo ay xaalad cakirnaan ah ka jirto ka dib markii xoogag Islaamiyiin ah iyo kooxo kale oo mucaarad gooni goosad ah ay la wareegeen qeybo badan oo ka mid ah dalka Maali.
Shirka oo soconaya labo maalmood ayaa dhinaca kale waxaa ka jira loolan xoogan oo loogu jiro cidda noqoneysa Guddoomiyenimada Midowga oo sanadkii hore lagu guuldareysay in lagu doorto Guddoomiye ka dib markii musharixiintii u tartameysay ay codad isla eg heleen oo midkoodna uu heli waayey codadkii loo baahnaa.
Doorashada xilka Guddoonka guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa u taagan Guddoomiyaha hadda xilka haya ee Jean Ping, balse Mr. Ping waxaa loolan kulul kula jira Haweenayda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini-Zuma oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika.
Sanadkan wadamada Koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa markii ugu horeysay 49-sano kadib loolan ugu jira inay hogaamiayaan Madaxa ugu sareeya Guddiga fulinta ee Midowga Afrika oo inta badan qaban jireen hogaamiyaal kasoo jeeda wadamada Galbeedka, Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Wadamada ka midka ah Urur Gobaleedka Koonfurta Afrika ee SADC ayaa si wadajir ah u doonaya inay codka ugu shubaan haweenayda ka socota dalka Koonfurta Afrika ee Mr. Zuma, oo hada heysa xilka Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Koonfur Afrika, horayna ugu guuldareysay inay xilkaasi qabato ka dib markii ay heli weysay codad ku filan.
“Hada waxaa la gaaray xiligii wadamada Koonfureed ee Afrika ay xilka Midowga Afrika qaban lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Zambia Mr.Given Lubinda oo saxaafada magaalada Addis Ababa kula hadlayey, waxaana weli socda loolan xoogan oo lagu kala jiidanayo madaxda qaaradda Afrika si labada musharax uu mid waliba u helo codadka u uu baahanyahay.
