|

Madaxweyne Shariif:- Waxaan u baahanahay in markale nala doorto oo fursad nala siiyo, kooxda Monitoring Group-kana waxay ka mid yihiin….

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay kooxda daba galka Qaramada Midoobay ee Monitoring Group inay ka mid yihiin cadowga Soomaaliya, isagoo si kulul uga jawaabayey warbixintii dhawaan ay soo saareen kooxdaasi, taas oo madaxda dowladda ay ku eedeeyeen inay lunsadeen lacago fara badan oo deeq ahaan u heshay Soomaaliya.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Madaxweynaha ka jeediyay munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay in markale xilka madaxtinimada uu qabto, isla markaana daah fur u aheyd ololihiisa doorashada ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal ruux ayuu sheegay in kooxdani ay caadeysatay sida uu yiri inay been ka sheegto xaaladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu yaqaano inay u ololeeyaan kala goynta Soomaaliya.

“Kooxdan la yiraah Monitoring Group oo hadda Repor-ka soo saartay waxay ka mid yihiin cadowga ummadda Soomaaliyed, 20-kii sano la soo dhaafay Repor ma sameeyeen, maxaa diiday oo ay baaritaan u sameyn waayeen, dad ayaa la dhacay dad ayaa la dilay, dad ayaa la kufsaday balaaya dhacday, wax repor ah oo ay ka sameeyeen ma jiraan, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti, boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadeyno oo noo muuqata ma jirin, Ganacsatada ayaan u yeernay deyn ayaana weydiisanay, hadda weli qaar ayaa nalagu leeyahy, dowladdii mas’uuliyadeeda la wareegnay deymo lagu lahaa ayaan ka bixinay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad saaran, in xoolaha shacabka inay ilaaliyaan, sharafkooda inay ilaaliyaan, dowladnimada ka shaqeeyaan, qofkii ka leexdana waa qof naftiisa qiyaanay, waxaa ku jira Repor waxyaabo aan rabo inaan wax ka sheego oo aan cadeeyo, matalan lacago dowlado kala duwan ay na siiyeen oo la yiri lacagahaas waa maqanyihiin, waxaa fiicnaan laheyd maanta inuu joogo xisaabiyaha guud ama Bankiga, waxaa ka mid ah lacag laga keenay Cumaan, seddex milyan ayey aheyd, waa la keenay, waxay ku baxday kuligood shaqada dowladda, qeyb waxaa lagu bixiyey deymihii lagu lahaa ciidamada, qeyb waxaa lagu bixiyey baarlamaanka, qeybihii kale waxaa lagu bixiyay adeegihii kale ee shaqo, Bankiga ayeyna soo martay” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabayay eedeynta ku aadan lacagaha dowladda ay lunsatay.

“Waxaan u baahanahay in fursad nala siiyo, anaga mustaqbalka insha allaah waxaan u diyaarineynaa kuwo naga yaryar iyo caruurteena meesha iskama joogi doono, baahida dowladnimo loo qabo anagaa fahamsan, odayaasha waxaa laga yaabaa inay ku soo noolaayeen daruuf aad u fiican, anaga waxaa la kulanay qub iyo qac, waan u diyaarsanahay inaan sekin aan beer dareyn fursaddaas, waxaan rabnaa inaan ka faa’ideysano gododkii dadkii naga horeeyay ay ku dhaceen, si aan qarankau noogu dumin.

Leave a Reply