|

Qaraxyo iyo dagaalo geystay khasaarooyin kala duwan oo xalay ka dhacay dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Dagaalo geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay markale ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay shalay iyo doraad ka dhaceen dagaalo culus oo khasaare badan geystay, una dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo iyana dhinac ah.

Wararka laga helayo degmada Baardheere ayaa waxay sheegayaan in dagaalku uu aad ugu dhawaaqday degmada, iyadoo ay ku dhinteen dagaalkii xalay sida la sheegay illa lix qof oo dhinacyadii dagaalamayey ka mid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, “Xaaladda degmada Baardheere way degantahay, xalay waxaa meel aad ugu dhow ka dhacay dagaal culus” ayey yiraahdeen goobjoogayaal magacyadooda qariyey.

Goobjoogayaashu waxay kaloo sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay abaabul ka wadaan gudaha degmada, ayna dhallinyarada ku boorrinayaan inay dagaalada ka qeybgalaan si loo difaaco magaaladaas oo ka mid ah labada degmo ee ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.

Inkastoo aysan weli mas’uuliyiinta Al-shabaab ka hadlin dagaalka ka socda duleedka Baardheere ayaa haddana saraakiisha dowladda KMG ee gobolkaas waxay shegeen inay ka go’an tahay inay dagaalka wadayaan inta ay ka qabsanayaan Baardheere, waxayna sarakiishu intaasi ku dareen in dagaaladii dhacay ay kaga qabsadeen Al-shabaab maxaabiis iyo gaari kuwa dagaalka ah, dhankoodana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray sida ay ku doodeen, inkastoo warar ka madaxbanaan ay sheegayaan inu soo gaaray khasaare aan la faahfaahin inta uu gaarsiiisanyahay.

Dhinaca kale shan qof ayaa ku dhaawacantay labo qarax oo xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, waxaana uu qaraxa hore ka dhacay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha Wajeer, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof, halka kan kale uu ka dhacay goob hotel ah, seddex qof ayaana la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ka dhacay degmada Wajeer ayaa waxay ahaayeen bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxayna bambooyinka lagu tuuray xarumahaasi ay sababeen qaraxyada sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen, dadka ku dhaawacmayna waa dad rayid ah oo ku sugnaa goobaha la weeraray.

Leave a Reply