Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya
Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno siyaasiyiin ah
oo doonaya in la soo magacaabo Xildhibaano ay iyagu wataan, isagoo
sheegay inaan la aqbali karin arrinaas.
Danjire Mahiga ayaa marxalad adag ku tilmaamay xulista Baarlamaanka
cusub ee Soomaaliya oo la doonayo inay sal adag u noqdaan
dowlad-wanaag, isagoo xusay inay xulista Xidlhiabanadu tijaabo u tahay
sharafta Odayaasha, lagana doonayo odayaasha inay soo xulaan
Baarlamaan ka shaqeeya danaha dadka Soomaaliyeed, ayna ogaadaan in
shacabku ay si weyn u aamineen.
Mr. Magiga waxaa kale oo uu sheegay in ka mid noqoshada Baarlamaanka
cusub aysan aheyn wax shaqo lag dhigto, balse ay tahay howl adag,
isagoo sheegay in Xildhibananada cusub ay u hoggaan sami doonaan
shuruucda, wuxuuna yiri “Ma ogolaan karno in kuraasta Baarlamaanka ay
noqdaan badeeco la kala iibsado ama xaraash laga iibinayo hadba ciddii
lacag badan, waayo waxaan hadda ku jirnaa xilli aan raadinayno
sharafkii ay Soomaaliya laheyd” ayuu Mahiga ku yiri qoraalka uu soo
saaray.
Qoraalka ka soo baxay danjire Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno
mas'uuliyiin ka ah dowladda KMG ee hadda joogta iyo kuwo horay xilal u
hayey oo intuba doonaya in loo soo xulo Xildhibaano ay iyagu wataan,
wuxuu mas'uuliyiintaasi ku tilmaamay inay wadaan caga-jugleyn,
laaluush bixin, eexasho iyo musuqmaasuq.
Sidoo kale danjire Mahiga wuxuu sheegay in qofka Xidhibaanka noqonaya
ay tahay khasab inuu ku yimaado aqoontiisa iyo waxqabadkiisa, isagoo
sheegay in wax laga shallaayo ay tahay in murshaxiinta dumarka ah ay u
nugulyihiin in laga saaro tartanka, taas oo sabab u ah sida uu yiri
inaysan heysan dhaqaale ku filan.
Danjire Mahiga wuxuu sheegay in la garanayo dadka adeegsanaya
xeeladaha isugu jira caga-jugleynta iyo laaluush bixinta, balse ma
sheegin magacyadooda, isagoo ku daray hadalkiisa inay joojiyaan
dhaqanka noocaas ah iyo inay xushmeeyaan xaqa ay dumarka u leeyihiin
inay ka qayb-qaataan hannaanka siyaasadda Soomaaliya.
“Ma ahan wax la aqbali karo in Baarlamaanka uu howshiisa cusub ku
billaabo qalad noocan oo kale ah, dadka mas'uulka ka ah arrimaha
caga-jugleynta waxaa loo aqoonsan doonaa inay yihiin qas-wadayaal,
dhaqanka noocan oo kale ahna wuxuu u dhigmaa mid horistaagaya
hannaanka nabadda” ayuu yiri danjire Mahiga.
Ergaygu wuxuu sheegay in caga-juleytu ay soo foodsaartay Guddiga
farsamada ee soo xulaya Xildhibaanada cusub, isagoo xusay in Guddigaas
oo muujiyey sharaftiisa uu diyaar u yahay inuu diido magacyada dadka
caanka ku ah rabshadaha iyo ishortaagga nabadda, wuxuuna ugu
dambeyntii danjire Mahiga uu daboolka ka qaaday inay muddo yar ka
harsantahay xilliga la doonayo in la soo xulo Xildhibaanada cusub ee
Baarlamaanka, isagoo xusay in xilligan casriga ah aanay jirin meel
lagu dhuuman karo.