Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka
dalbatay inay dib u dhigto warbixintii ka dhanka aheyd xubnaha sarsare
ee dowladda KMG ee ay Guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya u
gudbiyeen Qaramada Midoobay, taas oo ku eedaynaysay madaxda sare ee
dowladda KMG Soomaaliya inay lunsadeen hanta faraban oo uu iska lahaa
qaranka Soomaaliya, taas oo aheyd in doraad laga dodo, balse dib u
dhacday.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Xaaji Xasan
oo maalmahan booqasho ku joogay xarunta Qaramada Midoobay ee New York
ayaa la kulmay xubno ka tirsan golaha amaanka,gaar ahaan Guddoomiyaha
Guddiga cunaqabetynta UN ee somalia iyo ergooyin kale, kuwaas oo uu ka
dalbaday inay dib u dhigaan ka doodista warbixinta eedaynta ah ugu
yaraan muddo bil ah si aysan hakad u gelin ansixinta dastuurka iyo soo
xulista Baarlamaanka iyo sidoo kale ka gudubka xilliga KMG ah ee la
doonayo in 20-ka bishan August la soo afjaro.
Mid ka mid ah diplumaasiyiinta Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada
Midoobay oo lagu magacaabo Cumar Jamaal ayaa sheegay in wasiirka
arrimaha dibadda Soomaaliya uu Qaramada Midoobay ka dalbaday in dib
loo dhigo ka doodista warbixinta Guddiga Mountiring Group-ka u
gudbiyeen Golaha Ammaanka si cunaqabateyn loogu soo rogo dadka lagu
eedeeyay inay lunsadeen hanta uu lahaa qaranka Soomaaliya.
Mr. Cumar Jammaal waxaa kale oo uu sheegay in wafdiga ka socda
dowladda KMG ee ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ay qabaan in
warbixintaasi ay khaldantahay oo ay dhib u dhac u keeni karto habsami
u socodka howlaha kala guurka ee Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray
in hadalka wasiirka la siiyey tixgelin, isla markaasna dib loo dhigay
ka doodistii warbixintaasi muddo bil ah.
“Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu ka dalbaday madaxda
Qaramada Midoobay in la siiyo waqti ku filan oo ay madaxda dowladda
KMG jawaab fiican uga bixin karaan eedaymaha loo soo jeediyay, sidoo
kalena ay qabsadaan qareeno u dooda, madaxda Qaramada Midoobayna soo
jeedintaasi way garwaaqsadeen oo waa ay ogolaadeen” ayuu yiri Cumar
Jamaal.