|

Maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda KMG inuu warqad been abuur ah uu u diray beesha caalamka iyo…

Siyaasiga Cali Maxamed Warancade horayna u soo qabtay xilka wasiirka

gaadiidka, cirka iyo dhulka ee maamulka Somaliland ayaa uga digay

xukuumadda Somaliland dhalan rogis uu sheegay inuu Madaxweynaha

Soomaaliya Sheekh Shariif ku sameeyay wadahadaladii Somaliland iyo

Soomaaliya .

Mr. Warancade ayaa warmurtiyeed uu shalay soo saaray wuxuu ku sheegay

in Sheekh Shariif dunida ku faafinayo in nuxurkii wadahadalada

Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin mideynta Soomaaliya iyo

Somaliland, wuxuuna maamulka Siilaanyo ugu baaqay inay warkaasi ka

daba tagto, wuxuuna yiri “Sheekh Shariif wuxuu si cad ugu faafiyey

dunida in wadahadaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland in

nuxurkoodu ahaa in dib loo mideeyo labada dhinac, arrintan oo ka

horimaneysa warkii aynu ka helnay Madaxdii inooga qeybgashay shirarkii

dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ay noogu sheegeen in

nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madaxbanaan”.

“Arintan oo khatar ku ah geedi socodkii Somaliland ku raadineysay

ictiraafka muddo ka badan labaatan sano, waxay keeni kartaa in

caalamku rumeysto warka uu fidinayo Sheekh Shariif oo loo qaato in

aynu dib isugu dhiibayno koonfur iyo hoygii halaagu hore inooga soo

maray. sidaasna ay mugdi ku gasho himiladii ummada reer somaliland

raadineysay” ayuu yiri markale Warancadde oo intaasi ku daray “ Waxaa

cadaan ah inuu waraaqo u kala diray caalamka uu ugu sheegayo inuu ku

guuleystay in uu ku qanciyo Somaliland in marlabaad ay Soomaaliya ka

mid noqdaa, isagoo dhinaca kalana ugu faa-iideysanaya olalihiisa

siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro in marlabaad uu ku soo noqdo

kursiga madaxtinimada Soomaaliya”.

“Waxaa u dambeeyey waraaqaha uu caalamka u diray mid dhawaan u diray

Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaaray

wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, kuna sheegay

warqaddiisa in guushii midnamada Soomaaliya iyo Somaliland ay irrida

taagantahay, taasi oo keentay in Guddoomiyaha Jaamacadda Carabtu si

lama filaan ah uu ugu dhawaaqo inuu ka degi doono Muqdisha dhawaan, si

uu u soo hambalyeeyo guusha uu Sheekh Shariif uu ka soo hooyey

wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya oo sida aan filayo u

muuqata wabixin been abuur ah oo Sheekh Shariif ka faafinayo

wadahadaladii dhex maray labada dhinac” ayuu yiri markale Mr. Waran

Cadde.

Leave a Reply