Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay ansixinta dastuurka
KMG ee Soomaaliya, kaas cod aqlabiyad leh ay ku meelmariyeen ergadii
ka qeybgashay fadhigii shalay, waxana Faroole uu sheegay inay soo
dhaweynayaan ergada ansixiyey dastuurka Federaalka KMG Soomaaliya isla
mar ahaantaana waxa uu mahadcelin balaaran u jeediyey Ergadii ka
qeybgashay Shirka.
“Waxaan aad ugu mahadcelianyaa ergada Xamar isugu tagtay oo dastuurkii
ansixisay Soomaaliyeed oo ahaa kii ugu horeeyey ilaa intii uu burburku
dhacay oo dastuur Federaal ah dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen
xoogoodna geliyeen” ayuu yiri Faroole oo intaasi ku daray in maamulka
Puntland iyo shacabkeeduba ay qeyb weyn ka qaateen taabagelinta
dastuurka hadey noqon laheyd qaab cilmiyeysan, taageero iyo farsamaba,
balse waxa uu sheegay in haddiiba la ansixiyey dastuurka ay Puntland
daldaloolo yaryar ka tirsaneyso laakiin loo xalin doono gaarkeeda.
“Ergadii Xamar isugu tagtay inkastoo qeyb weyn anaga ay ka mid tahay
ayna shirka gelin taasina goonideeda ayaan uga hadli doonaa waxyaalo
aan wax ka qabno waa jiraan, laakiin ergadas baan mahadgaara u
celinayaa iyo beesha caalamka oo gacanta nasiisay iyo intii ka
qeybqaadatay” ayuu yiri Farole oo sidoo kale sheegay in guul weyn oo
aan la soo koobi karin ay tahaya ansixintaasi oo ku beegantahay
sanadguuradii 14-aad ee aasaaska Puntland, taas oo iyana ku soo
beegantay asixinta dastuur Soomaali oo dhan leedahy, kaas oo
taabagelintiisa door lixaadleh ka qaadatay Puntland”
Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa ka hadalay doorashada ay
C/qeybdiid u doorteen xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, wuxuuna
sheegay in mowqifka Puntland ay ka taagan tahay isbadelka cusub ee ku
yimid maamulka Galmudug iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Cabdi
Xasan Cawaale Qeybdiid ay tahay mid iska cad oo sida uu yiri, kaas oo
ah in gobol kasta dadka dega ay iyagu ikhtiyaar u leeyihiin inay
doortaan ciddii ay doonayaan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howsha ay u taalo reer Galmudug, isla
markaasna aysan Puntland ku faragelin doonin maadaama buu yiri cid
walba meesha ay degan tahay iyadu ay mas’uul uga tahay Shacabkeeda iyo
cida ay Xukunto,w uxuuna yiri “Arrimahaas dee meel walba ciddii degan
iyadaa akhyaarkeed leh anagu faragelin kuma lihin,waxan ka rajeyneynaa
inay noqoto maamulkaas mid kheyr qaba oo nala shaqeeya oo aan deris
nahay oo aanaan kala baxsaneyn”.
“Raggii hore oo meesha hadda joogay oo u kamid ahaa Maxamed Axmed
Caalin waa nagala shaqeeyey dastuurkas lagu dhawaaqay codeyntiisa
gacanweyn buu ka geystay, wax badan oo kale buu nagala shaqeeyay in
kumeelgaarku uu dhamaado ayuu ka shaqeeyay, waxan rajeyneynaa
maamulkaasi isagaa ikhyaar u leh cidii uu dooranayo iyo cida uusan
dooraneyn laakiin anaga waxaa nala gudboon inaanu derisnimo wanaaga
kala shaqeyno iyana nagala shaqeeyaan” ayuu yiri markale Faroole.