Waxaa shalay subaxnimadii hore intii aan la ansixin dastuurka qabyada ah weeraro ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta uu shirka uga socday
ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan
dowladda KMG ay sheegeen inay ku dhinteen qaraxyadaas labadii qof ee
xambaarsanaa iyo hal askari.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka dowladda KMG C/samad
Macallin Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada
dowladda KMG ah ay ka hortageen laba qof oo waxyaabaha qarxa isku soo
xiray, kuwaas oo doonayey inay isku qarxiyaan shirka, wuxuuna wasiirku
sheegay in weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray askari ka tirsan
cidamada dowladda Soomaaliya.
“Laban Nin oo isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa damcay inay aag
ilaalo xogan laga hayey ka soo galaan xarunta shirku ka socdo, balse
ciidamadii ilaalada ka heysay xarunta oo qabay amar ah inay toogtaan
cid walba oo isku dayda inay soo gasho xarunta ayaa waxay ku fureen
rasaas, waxaana goobta ku dhintay labadii qof oo keliya” ayuu yiri
wasiirka amniga qaranka dowladda KMG.
Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada labo
qarax ee shalay ka dhacay afaafka hore ee xarunta iskoolo Buluusiya oo
ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir kuwaasoo labo nin oo
waxyaabaha qarxa isku soo xiray ay ka dambeeyeen.
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis
Abuu Muscab oo xalay la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in
qaraxyadaas ay khasaare ugu geysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa
dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna yiri “Labo mujaahid oo Ilaahay
subxaana watacaalaa naftooda ka gatay una bareeray iney diinta Ilaahay
dhiigooda ku daafacaan ayaa waxay ku guuleysteen iney tagaan Iskoolo
buluusiyo oo gaaladu ay illaa dhowr KM ku wareegasanayeen, iyagoo ka
gudbay wixii jawaasiis iyo amni ah ee meesha ilaalinayey, kuna
guuleystay inay galaan xaruntaas oo ay ku ka buuxeen gaalo iyo kuwo
muslimiin ahaan jiray oo diinta ka baxay, kuwaas oo rabay inay
ansixiyaan diin cusub oo ay gaaladu soo dejisay oo la doonayo in
diintii xaqa aheyd looga leexiyo oo diin looga dhigo dadka muslimiinta
ah”.
“Mujaahidiintaasi labada ah gudaha ayey galeen, camaliyaddaas
istish-haadiga ahna wey fuliyeen, cadowgana waxaa ka soo gaaray
khasaare dhimasho iyo dhaawac leh gaar ahaan ciidanka kufaarta
Afrikaanta ah askar ayaa halkaas uga le’atay kuwa dowladda KMG-na
askar baa uga baaba’day halkaas” ayuu yiri Abuu Muscab.