Wararka naga soo gaaraya magaalada Laasacaanood ayaa sheegaya in xalay
lagu weeraray guri uu magaaladaasi uu ka deganyahay Guddoomiyaha cusub
ee magaalada Laascaanood Faarax Cabdi Yare oo dhawaan xilkaasi ay u
magacaabeen maamulka Somaliland.
Sida warku sheegayo qaraxa oo ahaa bambaano nooca gacanta laga tuuro
ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo la sheegay inuu ku sugnaa guriga
Guddoomiyaha cusub, lamana sheegin inuu dhaawac soo gaaray
Guddoomiyaha oo xilliga gurigiisa la weeraray joogay, inkastoo ilaalo
guriga joogtay ay rasaas u fureen afarta jiho, taas oo iyna aan la
ogeyn khasaaraha ay geysatay, waxaana la sheegay in labada ruuux ee
dhaawacantay uu yahay Guddoomiyaha walaalkiis.
Dhinaca kale Hantidhowrka guud ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga u
taxaabay agaasimihii maamulka iyo lacagta ee telefishanka Somaliland
Xasan Maxamuud Maxamed ka dib markii uu hantidhowrku uu baaris ku
sameeyay xarunta wasaaradda warfaafinta ee maamulkaasi ku lahaa
agaasimaha la xiray.
Sarkaalkan ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa shalay duhurnimadii
xabsiga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo uu hantidhowrku
xariggiisa ka soo saaray, waxase lala xiriirinayaa baarista Isniintii
laga bilaabay xarunta wasaaradda warfaafinta, lamana oga in howsha
hantidhowrku ku koobnaan doonto masuulkan oo xil ahaan ay awooddiisu
hooseyso iyo inay geli doonto mas’uuliyiin kale, hase yeeshe
siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa inta badan soo bandhiga musuqmaasuq
ka dhex jira hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland.
Hantidhowraha guud ee Somaliland ayaa todobaadyadii tagay waday sida
la sheegay baaritaano xoogan oo uu ku hayey mas’uuliyiinta
maamulkaasi, iyadoo ay xusid mudantahay in todobaadkii tagay
Madaxweynaha maamulkaasi uu ku dheelmaray xafiisyada wasaaradaha oo
qaar badan la ogaaday inaysan soo shaqo tagin waqtigii loogu talogalay
inay wasiiradu fariistaan wasaaradahooda.