Awoodii Xukuumadda KMG oo gebi ahaan ay la wareegeen agaasimayaasha Wasaaradaha ka dib markii
Iyadoo waqtiga xukuumadda KMG ee hadda ka talisa Muqdisho uu dhamaanayo loona diyaargaroobayo doorasho madaxda KMG ay ku jiraan tartankeeda ayaa waxaa shalay shir gaar ah isugu yimid dhammaan agaasimayaasha guud ee 18-ka wasaaradood ee ay ka koobantahay xukuumadda KMG, kuwaas oo la sheegay inay la wareegeen howshii wasaaradaha ay madaxda ka yihiin inta lagu jiro doorashada.
Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay in awoodii xukuumadda ee fulinta ay la wareegeen agaasimayaasha guud ka dib markii sida la xaqiijiyey wasiiradii dowladda iyo madaxdii sare ay dhamaantood isu bedeleen musharixiin u ordeysa madaxtinimo iyo qaar u ordaya inay noqdaan xubin Baarlamaanka.
Agaasimayaasha guud ee 18-ka wasaaradood ayaa isku raacay in mudada 14-ka maalmood ee ka harsan xukuumadda hadda jirta ay iyaga saarantahay mas’uuliyadda Xukuumadda ee dhanka fulinta, waxaana agaasime kasta lagu wargeliyey inuu qaato waajibkii wasiirka wasaaradda uu joogo inta ay howshu ka dhamaaneyso.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arimaha amaanka, dhaqaalaha iyo nidaamka oo si weyn loogu celceliyey in ladhowro maadaamna ay doorasho dhaceyso, ayna dhici karaan falal amaandari ama in hantida dawlada la xado taasina loo baahan yahay in laga hortago, waxaana gabagebadii kulanka si wadajir ah ay 18-ka agaasime guud ee wasaaradaha dowladdu ay u sheegeen in wixii howl ah ee wasaaradaha ka socday iyaga looga dambeeyo iyagoo shaqaalaha wasaaradaha joogana u ballanqaaday in shaqada ay sii socon doonto ayna heli doonaan xuquuqdooda shaqo, waxay sidoo kale agaasimayaasha soo jeediyeen in la kordhiyo wada shaqeynta wasaaradaha dhexdooda ah.
Dhinaca kale sedexdii xubnood ee ugu sareysay dowladda KMG ayaa waxa noqday musharixiin u taagan xilka Madaxweynenimada ee Soomaaliya, ka dib markii uu shalay ku dhawaaqay inuu musharax yaahy Ra’isul wasaaraha dowladda KMG C/weli Maxamed Cali {Gaas}, waxaana horay ugu dhawaaqay inay musharixiinyihiin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan, waxayna is-sharaxaadoodu ay ku soo aadeysaa iyadoo ay mushahar la’aan yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda muddo saddex bilood ah, sidoo kalena 7-bilood ay mushaar layihiin xildhibaanada Baarlamaanka, sidoo kalena waxaa jira mushaar la’aan xoogan oo iyana heysata ciidamada dowladda KMG, tiiyoo ay xaflado waa weyn oo ay dhiganayaan sedexdan mas’uul ay ku baxeyso lacago badan oo shaqaalaha kaafin kartay haddii la siiyo.
