Dowladda Yugandha oo Soomaaliya u soo dirtay diyaarado dagaal iyo ciidamada cirka, sheegtayna in….
Dowladda Yugandha ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u soo dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo tan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo weliba ku xigeenadiisa.
Ciidamadan ayaa waxay ku shaqeyn doonaan diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si ay dusha sare uga ilaaliyaan goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay Muqdisho ka dhacdo 20-ka bishan August
Taliyaha ciidamada Yugandha ee UPDF-ta loo yaqaan Gen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha ciidamada cirka dalka Yugandha Gen. Jim Owesigire oo la hadlayey ciidamadan ka hor intii aysan ka soo dhoofin magaalada Kampala ayaa kula taliyey inay howshooda u gutaan sidii loogu talogalay.
“Howsha ciidamadan waa inay xoojiyaan howlaha kala duwan ee AMISOM ay gudaha Soomaaliya kawaddo” ayuu yiri Gen. Nyakairima oo intaas ku daray inuu rajo wanaagsan ka qabo inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto, sidoo kale taliyuhu waxa uu sheegay inay sharaf weyn u tahay dalka Yugandha inay gacan ka geysato sidii uga caawin laheyd dowladda KMG Soomaaliya sugidda ammaanka inta doorashooyinku ay socdaan.
“Sharaf weyn ayay Yugandha u tahay inay gacan ka geysato sugidda amaanka ee Muqdisho inta ay socoto doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya oo dhaceysa dhamaadka bishan” ayuu yiri Taliyaha ciidamada cirka Uganda Gen. Jim Owesigire oo saxaafada kula hadlayay magaalada Kampala.
Ugu dambeyn Gen. Aronda wuxuu sheegay in sidoo kale saraakiishan ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM oo qeybtooda ugu badan ay ka socdaan dalka Yugandha kuwaas oo aan horay u lahayn ciidammo ka taageera howlgalkooda dhinaca circa, sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Yugandha ay Muqdisho geyn doonto ciidamo kale oo katirsan AMISOM kuwaas oo lagu kordhin doono tirada Ciidamada Uganda ee hawlgalka AMISOM ka wada Soomaaliya.
