Madaxweyne Sheekh Shariif:- Dalka waxaa ka jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay faragelin shisheeye oo ay…
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kula yeeshay madaxtooyada Soomaaliya saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in horumar weyn laga gaaray dhinacyada siyaasadda iyo amaanka sanad ka dib markii Xarakada Al-shabaab ay ciidamadooda kala baxaday magaalada Muqdisho, taas ku timid sida uu yiri iskaashi xoogan oo ay muujiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
“Farxadda aan hadda heysano waa mid muhiim ay tahay in la muujiyo, waxaan rabaa inaan si kal iyo lab ah ugu mahad-celiyo ciidammada AMISOM oo runtii dhiig badan u bixiyey si ay inoo taageeraan, waayo waxay halkaan Soomaaliya ku waayeen rag badan oo muhiim u ahaa saraakiilna ay ku jireen, kuwaas oo aan ka xusi karo taliyihii ciidammada Burundi, guushuna kuma imaan fadhi iyo sheeko” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab lala galay dagaal aad u adag, isagoo sheegay in haddii aan dagaalkaasi lala geli laheyn aysan Muqdisho ahaanteen sida ay maanta tahay, wuxuuna shacabka ku booriyey in laga doonayo inay fahmaan in ciidamada AMISOM sy guushaas ku leeyihiin kaalin weyn.
“Markii aan qabtay xilka madaxnimo ee dalka waxaan dedaal badan ku bixinay sidii loo abuuri lahaa wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, ka dibna Alle mahadii waan ku guuleysanay inay labada ciidan dhexmarto wadashaqeyn iyo is-faham buuxa, iska daa ciidamada maanta waxaa hubaal ah in shacabka iyo AMISOM ay isfahamsan yihiin” ayuu yiri Shariif Sheekh oo sidoo kale intaasi ku daray “Dalka waxaa ka jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay faragelin shisheeye, waxaanse hubaan in ciidamada AMISOM ay intaasi oo dhan ka duwanyihiin, naf iyo maalna ay u hureen sidii Muqdisho iyo degmooyin dhowr ah oo ku dhow looga saari lahaa Al-shabaab”.
Howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ku sheegay inay tahay mid muhiim u ah shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay shacabku 95% taageersan yihiin in ciidamada AMISOM ay ka howgalaan Somalia sida uu yiri, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu yiri “Haddii Muqdisho aysan ammaan ahaan laheyn laguma qabteen shirarka ka dhacaya ee lagu hirgelinayo heshiiska tubta nabadda ama Road map-ka”.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in la doonayo in afarta sano ee socda in Soomaaliya oo dhan ay noqoto meel nabad ah, sidoo kalena wuxuu sheegay inay doonayaan in ciidamada dowladda oo dhan la dhiso gaar ahaan kuwa xoogga dalka, lana dhiso hay’adaha kala duwan ee dalka oo burbursanaa muddo ka badan 20-sano.
