|

Nin Soomaali ah oo loo raadinayo dilka safiirkii Venezuela u fadhiyey dalka Kenya iyo warar kala duwan oo…

Dilka haweenaydii aheyd safiirka dalka Venezuela ee dalka Kenya oo dhawaan meydkeeda laga helay gurigii ay ka deganeyd magaalada Nairobi ayaa waxaa loo raadinayaa nin Soomaali ah oo ka mid sida la sheegay dadka lagu tuhunsanyahay dilkaasi.

Booliska Kenya ayaa waaran qabasho ah ama xarig ah u jaray nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed Xasan oo la sheegay inuu saaxiib la ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Venezuela ee Kenya, waxaan lagu tuhunsanyahay dilka haweenaydaasi oo lagu magacaabi jiray Olga Fonseca taas gurigeeda laga helay iyada meyd ah oo xarig lagu marjiyey.

Booliska Kenya ayaa meel kasta dhigay sawirada ninkaasi waxaana la howgaliyey ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaas oo baadi goob ku haya ninkaasi iyo rag kale oo badan iyadoo kuwo kale oo la tuhunsanyahayna la xirxiray oo ay baaritaano ku socdaan, waxaana ciidamo gaar ah loo diray gobolka waqooyi bari oo loo maleynayo inuu ninkaasi u baxsaday.

Dhinaca kulan looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda nabadgelyo-xumo ee degmooyinka gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Gaarisa oo xarun u ah gobolkaas, waxaana Maxamed Axmed Macalin oo ka mid ah madaxda gobolka oo kulanka ka hadlay uu muujiyey sida uu uga xunyahay ammaan-darrada iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhacaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Mr. Maxamed wuxuu ku wargeliyay dadka gobolka ku nool in xerada IFO la geeyay 300 oo ciidan oo lagu magacaabo GSU ah, kuwaas oo sida uu yiri amniga sugaya, isla markaasna wajibaadkoodu uu yahay inay soo saaraan hubka dhulka lagu aasay sida uu yiri, isagoo tilmaamay inay ciidankaas ay billaabi doonaan baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka, waxayna Culumaa’udiin iyo mas’uuliyiin kale oo kulanka ka qeybgalay ay u soo jeediyeen dhallinyarada hubeysan inay hubkooda ku soo wareejiyaan dowladda.

Dhinaca kale waaxda dembi baarista dalka Kenya ayaa waxay ka codsadeen Booliiska caalamiga ah ee Interpol inay gacan ka geystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa nin lala xiriirinayo dilkii loo gaystay haweenaydii Safiirada uga ahayd dowlada Vanizwela dalka Kenya, Hay’adda CID -da ayaa codsigani soo saartay ka dib markii ay ka shakiyeen in ninkani lala xiriirinayo dilka Safiirada uu wadanka ka baxsaday .

Leave a Reply