|

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo qaar ka mid ah Muslimiinta Kenya oo muran xoogan uu ka dhexjiro ka dib markii…

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in muran xoogan uu dhexmaray  wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya ahna sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya Yuusuf Xaaji iyo qaar ka mid ah muslimiinta ku nool dalka Kenya, gaar ahaan kuwa gobolka Waqooyi bari.

Sida warku sheegayo wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah MuslimiintaKenyainay ka soo horjeedaan lacago loo ansixin lahaa la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada, kuwaas oo uu ku sheegay inay haleynaaan magaca muslimiinta sida uu ku dooday wasiir Yuusuf Xaaji.

“Waxaa jira dad canaasiir ah oo isku dayaya inay haleeyaan magaca muslimiinta iyagoo ka horimaanaya in la meelmariyo biilalka loogu talogalay ka hortaga argagixisada ee la soo bandhigay, dadkaasina waxaan leeyahay ogolaada oo ha horistaagina dhaqaalahaasi ay ku howlgaleyso wasaaradda amniga Kenya” ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo si kulul u weeraray siyaasiyiin Musliin Kenyaan ah oo ka soo horjeestay in Baarlamaanka dalkaasi laga ansixiyo lacago loogu talagalay waxa uu ugu yeeray la dagaalanka argagixisada”.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Kenya waxa uu sheegay inay jiraan ururo iska dhigaya inay u hadlayaan dadka muslimiinta isla markaasna sheeganaya inay xuquuqda muslimiinta u doodayaan sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inay kuwaasi ka soo horjeedaan in la meelmariyo dhaqaale ay u baahantahay wasaaradda amniga Kenya oo uu isagu haatan xilkeeda uu si KMG-nimo u hayo ka dib markii uu geeriyooday wasiirkii xilkaasi hayey.

Leave a Reply