|

Dagaalo kala duwan oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose iyo Guddoomiye lagu dilay

Dagaalo kala duwan ayaa xalay iyo habeen hore siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose, waxaana dagaaladaasi ay u dhaxeeyeen ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo iyana dhinac ah, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka hore ayaa ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir waxaana xalay ka dhacay saldhigga degmada Wardhiigley dagaal muddo ku dhow nus-saac socday, kaas oo aan la ogeyn cidda uu u dhaxeeyay, balse loo maleynayo inay yihiin inuu dagaalka u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo xalay habeenkii labaad weerar ku qaaday saldhigyo ay degmada Wardhiigley ku leeyihiin degmadaasi, waxaana habeen hore la sheegay in muddo kooban lala wareegaya saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ku yaalay degmada Wardhiigley.

Dagaalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka lambar 50 oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo iyana dhinac ah, waxaana dagaalka uu yimid ka dib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM fariisimo ay deegaankaasi ka sameysteen weeraro hubeysan ay ku soo qaadeen ciidamada Al-shabaab, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu geystay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha soo kala gaaray inta uu lae’gyahay.

Labada dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka waxaana afhayeen u hadlay Xarakada Al-shabaab uu sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisimada AMISOM iyo kuwa dowladd KMG ay ku dileen sida uu yiri askar badan, isla markaasna muddo kooban ay la wareegeen gacan ku heyntooda, halka Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo isna dagaalka ka hadlay uu sheegay inay waxba kama jiraan tahay warka ka soo yeeray Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen koox yar, isla markaasna ay halkii ay ka soo duuleen dib ugu celiyeen, isagoo ku dooday inay khasaare xoogan gaarsiiyeen sida uu yiri.

Dhinaca kale war ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye ah oo ay dowladda KMG u magacawday degmada Lambar 50 ay ku dileen dagaalkii ay xalay ku qaadeen fariisimada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, inkastoo aysan sheegin magaca ninkaasi, sidoo kalena ma jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijineysa sheegashadeeda ah inay dishay Guddoomiye.

Leave a Reply