Xagla-toosiye oo si weyn Burco loogu soo dhaweeyey iyo nuxurka heshiis ay kala sexeexdeen Xukuumadda Somaliland
Hoggaamiyihii Kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed {Xagla-toosiye} ayaa shalay gaaray magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka dib markii Wasiirro ka tirsan maamulkaSomalilanday shir ku wadayeesheen deegaanka Caynabo.
Hogaamiyaha kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed {Xagla-toosiye} iyo wasiiradii ka socday maamulkaSomalilandayaa la sheegay in heshiis dhowr qodob ka kooban uu dhexmaray, waxayna sheegeen mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay in kulanka uu guul ku dhamaaday, isla markaasna ay wada gaareen heshiisyo hordhac ah.
Hoggoomiyaha Kooxda SSC Saleeban Ciise Axmed {Xagla-toosiye}, ayaa dhankiisa sheegay inuu nabad ku wada noolaansha labada dhinac ay tahay mid muhiim ah oo loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo, wuxuuna intaasi ku daray in kulankoodii shalay ay ka gaareen guul weyn oo wax ku ool ah sida uu yiri.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Khaatuma State ayaa ku gacan seyray heshiiska dhexmaray Xaglatoosiye iyo wasiirada maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in heshiiskaasi uusan wax faa’ido ah uusan soo kordhin doonin, in wax dhib ah mooyeene uu keeno.
Labada dhinac ayaa heshiis hordhac ahaa waxay hadda ka hor ku kala saxiixdeen magaaladaDubaiee dalka Isu tagga Immaaraadka carabta Madaxweynaha maamulkaSomalilandiyo Guddoomiye Xaglatoosiye, inkastoo uu heshiiskaasi shaki-galay ka dib markii uu Xaglatoosiye ka degay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, isla markaasna uu kulan la qaatay Madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole.
