|

Xildhibaan William Ruto oo ugu baaqay dowlada Maraykanka in ay faraha kala baxdo siyaasada Kenya

Xildhibaanka laga soo doortay waqooyiga Eldoret ahna musharaxa madaxwaynanimada xisbiga URP William Ruto ayaa waxa uu ku eedeeyay xoghayaha arimaha dibada ee dowlada Maraykanka Hillary Clinton in ay wado shirqool ay ku doonayso in tartanka madaxwaynanimada ay uga hot istaagto isaga iyo Raisul wasaara ku xigeenka Uhuru Kenyatta .

Mr William Ruto ayaa waxa uu sheegay in isku daygaasi Clinton uu yahay mid digtaatooriyad ku dhisan islamarkana qaldan, Xildhibaanka waqooyiga Eldoret ayaa waxa uu ugu baaqay xoghayaha arimaha dibada ee dowlada maraykanka Hillary Clinton in ay faraha kala baxdo siyaasada dalka Kenya, Mr Ruto ayaa ugu baaqay Ms Clinton in ay joojiso in ay isku daydo in ay u meeriso Kenyanka sidii ay u qabanlahaayeen doorashadooda .

Musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiga URP William Ruto ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kenya uu yahay wadan madax banaan awoodana in doorashooyinkiisa qabsado, wuxuuna hadalka Ruto ayaa ka danbeeyay ka dib markii habeenimadii axada ahayd uu talafishinka maxaliga ah ee Citizen TV uu shaaciyay in Ms Clinton markii ay kulanka la qaadanaysay madaxwayne Kibaki iyo raisul wasaare Raila Odinga,ay walaac ka muujisay shaqsiyaadka kiisaskoda yaalo maxkamada ICC ee u tartamaya jagada madaxwayhnanimada.

 

 

Leave a Reply