|

Maxaa ka jira in Ra’isul wasaare Gaas uu iscasilayo iyo muran xoogan oo ka taagan arrinkaasi

Ka dib markii uu doraad ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali {Gaas} inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan soo jeedin ka timid Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalbaday in Ra’isul wasaare Gaas uu xilka Ra’isul wasaarenimada iska casilo, maadaama uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ku kala aragti duwanaaday arrintaasi ka dib markii uu Ra’isul wasaare Gaas ka biyo diiday inuu iscasilo, isagoo sheegay inuu xilka Ra’isul wasaarenimo heynayo tan iyo inta uu ka dhamaanayo xilliga KMG ah, lagana soo dhisayo Xukuumad kale oo bedesha tiisa.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweynuhu uu ku dooday in maadaama Ra’isul wasaaruhu uu yahay Guddoomiyaha fullinta ee Xukuumadda loo baahanyahay cid howsha sii wadda maadaama uu isagu yahay musharax, isla markaasna uu bilaabayo olole siyaasadeed oo uu ku doonayo xilka Madaxweynenimada, wuxuuna intaasi ku daray Madaxweyne Shariif inay sharci tahay inuu Ra’isul wasaaraha iscasilo mar haddii uu noqday murashax u taagan xilka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu u soo jeediyey Mr. Gaas inuu xilka ku wareejiyo mid ka mid ah ku xigeenadiisa, gaar ahaan wasiirka gaashaandhigga, hase ahaatee uu ka biyo diiday Gaas, waxayna warar kale ay sheegayaan in xubno ka socda beesha caalamka ay soo kala dhexgashay labada mas’uul, kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay ku dhameeyeen kala aragti duwanaashiyaha cusub ee soo kala dhexgashay Madaxda ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaruhu uu soo jeediyey in ku xigeenkiisa labaad uu xilka ku wareejinayo, inkastoo uu taasi ka biya-diiday Madaxweynaha dowladda KMG oo ku adkeystay in xilka loo dhiibo wasiirka gaashaadhigga oo ah ku xigeenka kuwaad ee Ra’isul wasaare Gaas, iyadoo uu Ra’isul wasaaruhu uu sheegay in sharciga tahay in la illaaliyo, lana dhowro saami qeybsiga beelaha.

Leave a Reply