Farmaajo:- Waxaa jira dad doonaya inuu dalka ku sii jiro dhibaatada, Beesha caalamkana ma…
Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo} ayaa u soo jeediyey xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya inay badbaadiyaan dalka iyo dadka, isla markaasna ay doortaan shakhisiyaad diyaar u ah inay dhibaatada ka saaraan Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in xildhibaanadu aysan noqon kuwo lagu shubto, ayna ka hor tagaan musuqmaasuqa, qabiilka, dagaalada sokeeye, dilalka, mushaar la’aanta shaqaalaha dowladda, ciidamada dowladda KMG iyo dhibaatooyinka kale, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad doonaya in uu dalka ku sii jiro dhibaatada, kuwaas oo uusan sheegin magacyadooda.
Mr. Farmaajo ayaa sidoo kale u soo jeediyay Xildhibaanada cusub inay u howlgalaan sidii uu dalka u yeelan lahaa dowlad tayo leh oo horumarisa dhaqaalaha, isla markaasna ilaalisa xaquuqda qofka muwaadinka ah, kana fog qabyaalad iyo musuqmaasuqa, taas oo ka shaqeysa sidii loo heli lahaa ciidan tayo leh oo soo celiya nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka ka jiri jirtay burburka ka hor.
“Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waa inay doortaan shaqsi soo celin kara nidaamkii dalka ee lumay, isla markaasna ah dad daacad ah oo aqoon leh, ayna ku dheertahay Soomaalinnimada iyo waddaniyadda” ayuu yiri Ra’isul wasaare Farmaajo oo intaasi ku daray in maanta ay taariikhi qormi doonto, lana kala ogaan doono xildhibaanka dalkiisa iibsada iyo midka samatabixiya ee doorta shaqsi daacad ah.
“Beesha caalamka ma dooraneyso musharax Soomaaliyeed ee musharaxa Madaxweyne waxaa dooranaya dad Soomaali ah noocii ay doonaan ha ahaadeene, maatna kubaddu waxay agtaalaa Xildibaanada cusub iyaga ayaana la rabaa sidii ay dalka u samatabixin lahaayeen oo ay u dooran lahaayeen qofka ay isleeyihiin dalka ayuu badbaadin karaa” ayuu yiri markale Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo}.
Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho dib ugu soo laabto Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo} oo hadda ah murashax u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan in shalay banaanbax lagu soo dhaweynayey imaanshiyihiisa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
