|

11 dacwadood oo loo gudbiyey Maxkamadda sare ee dowladda KMG iyo beel ka cabaneysa xadgudub ay sheegtay in lagu sameeyay

Iyadoo uu weli sii socdo isheysadka iyo muranka ka taagan soo xulista Xildhibaanada cusub ee ka midka noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarka mid ah beelaha la sheegay inay ka cabanayaan sida loo qeybiyey xildhibaanada cusub, halka kuwo kale ay ka cabanayaan musharixiintii ay u doorteen inay uga mid noqdaan Baarlamaanka cusub oo laga bedelay, lana geystay kuwo kale oo aysan gudbin iyagu.

Suldaan Cali C/laahi Xasan oo sheegay inuu ka mid yahay dhaqanka Beesha Duduble ee Maxamuud Hiraab oo la soo xiriiray Wargeyskan ayaa sheegay in nabadoonka guud ee beeshooda uu ku xadgudbay sida uu yiri xubintii ay u gudbisteen in loogu daro Baarlamaanka, taas bedelkeedana ay ka warheleen sida uu yiri qof kale oo ku jira Baarlamaanka.

Suldaan Cali ayaa sidoo kale sheegay inay u gudbiyeen nabadoonka guud iyo qeybaha kala duwan ee beesha in xubinta ku soo aaday loogu qoro Dr. Xayir Ciise Cusmaan, hase ahaatee ay arkeen magac-kale oo ku qoran booskii ay horay u gudbisteen sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in Habar-awrwadeen ay ka tirsaneyso cadaalad darro nabadoonka guud ee beesha, wuxuuna ugu baaqay in xubintaasi loo soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhinaca Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in loo gudbiyey 11-kiis oo ah dacwado laga gudbiyey soo xulista xildhibaanada cusub, waxaana la sheegay in kiisaskaasi ay gudbiyeen dad ka cabanaya in Guddiga farsamada loo gudbiyey xildhibaano la isku heysto, isla markaasna ay dacwad ka furanayaan xildhibaanada la gudbiyey qaarkood si ay Maxkamaddu u kala saarto.

Sida warku sheegayo dadka dacwadahan gudbiyey ayaa ku dacwoonaya in boosas ay xaq u lahaayeen la duudsiiyey, halka qaar kale ay ku doodayaan in shirarka laga soo saaray Salaadiintoodii saxda ahaa isla markaasna kuwo ay sameysteen Madaxda dowladda KMG qaarkood lagu bedelay, sidaasina saami-qeybsigii ay beeluhu ku lahaayeen loo duudsiiyey sida ay ku doodayaan.

Leave a Reply